Sh. Shariif oo Magaacaabay Guddiga Soomaaliya uga qaybgalaya Wadahadallada Somaliland

Muqdisho, 14 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladdiisa uga qaybgalaya wadahadallada lagu wado inay dhawaan u furmo jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Shariif oo guddigan magacaabay waxyar ka hor intii aanu saaka u dhoofin magaalada Addiss Ababa, isla markaana uu madax uga dhigay wasiirka Arrimaha gudaha iyo ammaanka Cabdisamad Maxamuud Xasan, waxa ay ka kooban yihiin toddoba xubnood.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in guddigan ay wadahadallo la yeelan doonaan guddi ay Somaliland u magacowday dhawaan wadahadallo dhexmaraya Soomaaliya iyo Somaliland isagoo sheegay inay ku kulmi doonaan magaalada London ee dalka Britain.

Guddigan oo ay ka mid yihiin wasiirka garsoorka iyo cadaaladda Axmed Xasan Gaboobe iyo wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya Cabdilaahi Xaaji Xasan Maxamed, waxa kale oo ku jira laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo kala ah, wasiirka Arrimaha gudaha Jen. Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) iyo wasiirka qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Daa’uud Maxamed Cumar.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa laba todobaad ka hor magacaabay Guddi heer wasiir ah oo ka kooban Shan xubnood kuwaas oo guddoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, xubnaha kale ee Weftiga Madaxweyne Siilaanyo magacaabay waxa ay kala yihiin: Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Axmed Cabdi ‘Xaabsade’, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net