Sepp Blatter Oo Iska Casilay Madaxweynenimadii FIFA

Zurich, (SLpost)- Madaxweynihii xidhiidhka kubada cagta aduunka ‘FIFA’ Mr Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay caawa inuu iska casilay xilkii todobaadkan uun loo doortay ee jagada ugu saraysa ahaa.FIFA

“In kastoo xubnaha FIFA ay i siiyeen codkoodii iina doorteen muddo xileed kale , muddadaasi ayaa u muuqan weyday mid shaqaynaysa maadaama aanay guud ahaan dunida taageersanayn.” ayuu ku yidhi Shir jaraaid oo caawa ka dhacay xarunta FIFA ee magaalada Zurich. “Waana sababtaas ta aan u dalbanayo shir degdeg ah oo ay xubnaha kongereska Fifa isugu yimaadaan si ay u doorteen cid xilka igala wareegta.”

Sepp Blatter: “Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo cid kastoo mar walba taageero ila garab taagnayd mudaddii aan xilka madaxweynaha Fifa soo hayay. Fifa wax badan ayay u soo qabatay kubada cagta.”
Waxay u muuqataa in Sepp sidaas ku soo af-jaray, 17 sanno oo uu soo ahaa madaxweynaha FIFA iyo sidoo kale ku dhawaad 40 sanno oo uu ka soo mid ahaa xubnaha ugu firfircoon xidhiidhka kubada cagta Caalamka.

Xidhiidhka kubada cagta Qaarada Yurub ee UEFA, ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka Blatter.

Platini, gudoomiyaha UEFA ayaa go’aankaas ku sifeeyey mid adag balse geesinimo ka muuqato.

“”Wuxuu ahaa go’aan aad u adag, go’aan geesinimo ah, iyo midkii saxda ahaa ee la rabay.”ayuu yidhi Micheal Platini oo warbaahinta la hadlay waxyar kadib markii uu soo baxay Warka iscasilaada Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Ingiriiska ayaa si jees jees ah oo aad moodo inuu u muuqdo mid ku guuleystay shirqool uu dhigay, u soo dhaweeyey Go’aanka is casilaada madaxweynaha FIFA.

Greg Dyke, gudoomiyaha FA-ga wadanka Ingiriiska, isagoo la hadlaya idaacada BBC, wuxuu yidhi: “Guud ahaan ururka Fifa wuxuu u baahan yahay dib u habayn, ururka oo dhami wuxuu u baahan yahay in dib loo eego dhaqaalihiisa. “Mustaqbalkii cadaalad iyo sinaan ayaa soo muuqday, laakiin go’aan weyn oo farxadeed ayaa maanta soo yeedhay.”

Dyke wuxuu sidoo kale xusay in Blatter intii uu xukunka hayay uu qabtay howlo dhawra ah oo wanaagsan, oo ay ku jirto in markii ugu horeysay koobka aduunka lagu qabtay Afrika sanadii 2010, wuxuuse sii raaciyey: “Dhamaan hawlahaasi waxay ku qabsoomeen ceeryaan muqus maasuq ah hoostood, maantana tii ayaa dhamaatay.”

Warbaahinta Ingiriiska oo colaada u badan iyo dagaalka aan kala go’a lahayn ee Blatter u taagnayd muddooyinkan u dambeeyey ayaa sheegaysa in is casilaadiisa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaanay xuseen in ilbidhiqsigii ugu horeeyey ee uu ku dhawaaqay inuu jagada ka tagay, Twitterka lagu qaybiyey 324,000 oo fariimood oo soo dhaweyn ah.

Shaqo ka tagista Blatter ee Fifa ayaa ka dambeysay sida khudbadiisaba ku jirta, kadib markii dib u doorashadiisa ay ka horyimaadeen wadamo uu hormood u yahay wadanka Britain, kuwaas oo bangiyadooduna baadhis ku bilaabeen akoonada FIFA ee lacagahu u yaaleen, maadaama lagu eedeeyey musuq maasuq.

Somalilandpost.net