Semi-Final: Gobolka Sool oo ku beegmay Maroodi-jeex iyo Hawd oo la ciyaaraya Awdal

Burco, (SLpost)- Kulan aad u xiiso badan oo si weyn u qanciyey dadweynihii daawanayey ayaa maanta dhex maray xulalka gobollada Sool iyo Saaxil, taas oo natiijadeedu guul u soo hoysay gobolka Sool.
Ciyaartan oo ahayd kulanki ugu dambeeyey ee lagu soo xidhay wareegga is-reebreebka, waxay ku bilaabantay jewi deggen iyada oo labada xulba rejaynayeen inay guul ka gaadhaan kulankooda si ay ugu soo baxaan wareegga Semi-finalka ee ay isugu soo hadhayaan afarta gobolka.
Gobolka Sool oo hore u sitay Afar dhibcood ayaa la ciyaarayey kooxda ugu hoseeysa Group B isla markaana leh hal dhibic oo kaliya iyada oo hore uu Group-kan uga soo baxay gobolka Awdal oo kulankii hore ka badiyey gobolka Gabiley.
Wakhti yar ka hor intii aanay dhammaanin qaybtii hore ee ciyaarta ayey xulka gobolka Sool keensadeen goolkoodii ugu horreeyey, waxaanay qaybta hore ku dhammaatay 1-0. Markii la isku soo noqday qaybtii dambe ee ciyaarta, waxa ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab-ciyaareed loo bogay iyada oo inta badan xulka gobolka Sool ay kubadda maamulkeeda ku hayeen garoonka qaybta gobolka Saaxil.
Qaybtii dambe ee ciyaarta waxa u suurto-gashay gobolka Sool inay keensadaan goolka Labaad, taasina waxay sababtay in xulka gobolka Saaxil niyad jab ku yimaaddo iyada oo dhammaadka ciyaarta ay wax yar ka hadhsan yihiin.
Haseyeeshee, wax yar ka hor dhammaadka ciyaarta, waxa xulka gobolka Saaxil kaadhka cas laga siiyey laba ciyaartoy ka dib markii ay khalad ka galeen ciyaartoy ka tirsan gobolka Sool.
Waxa ay ciyaartu ku dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday gobolka Sool.
Gobolka Sool ayaa kaalinta koowaad ku soo baxay Group B, waxaanay ciyaarta Semi-finalka la yeelanayaan xulka Gobolka Maroodi-jeex ee kaalinta labaad ku soo baxay Group A , halka xulka gobolka Awdal oo kaalinta labaad ku soo baxay Group B ay Semi-finalka la ciyaari doonaan xulka gobolka Haw doo kaalinta 1aad ku soo baxay Group A.