SELAL: Dabbaal-degga Xuska maalinta Qaranimada Somaliland oo laga Dareemay Dalalka Djibouti iyo Yemen

Saylac (SLpost)- Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal ayaa maanta si weyn looga dabbaal-degay xuska maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18 May, waxaana munaasibad lagu qabtay magaalaas dadweynaha kala qayb-galay maamulka gobolka iyo degmada.

Dabaal-deggii maanta ee Xuska 18 May ee magaalada Saylac, waxa marka laga yimaaddo gudaha magaaladaas iyo gobolka si weyn looga dareemay dalalka deriska ah ee Jabuuti iyo Yemen.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kala Duduwan ee Qaranka Somaliland ayaa Dhoolatus layaableh oo Dabalaadegga Ku Wejahan ka sameeyey Badda iyo Barigaba, iyadoo Munaasibaddu aheyd Mid nooceedu ugub yahay oo Saameynteeda yeelatay, waxaanay muujisay cududda Ciidamada Qaranka ee xuduudka iyo Xeebta Galbeed ee dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Salel Mawliid Geedi Nuur oo hogaaminaya Maamulka Laamaha Dawladda iyo Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Saylac, ayaa dadweynaha iyo ciidamada kala qayb-galay xuska Munaasibadda Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Sida uu ku soo warramayo weriyaha warbaahinta Somalilandpost ee gobolka Selal, Muuqaalka iyo sida loo agaasimay Munaadibada oo lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka, ayaa u muuqatay mid Mid Sigaat ah uga Tilmaamneyd munaadibadihii hore iyo qaabkii hore looga xusi jiray Gobolka Maadaama oo xuska dabbaal-degga oo bilaabmay xalay laga arkayey Badda iyo Baribaga.