Schalka oo weeraryahankeedii Raul ka reebtay kulanka is reeb-reebka Europe League

RAUL
RAUL

Weeraryahanka kooxda Schalke ee Raul oo dhawaan diiday inuu u wareego kooxda Blackburn ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda schalke ee u safartay dalka filand si ay ula soo ciyaraan lugta hore ee is reeb-reebka koobka euro league Kooxda HJK HeLSinke,waxayna taasi cirka ku sii shareertay warar la isla dhexmaraayo oo sheegay inuu doonaayo laacibkan inuu iskaga tago dalka Jarmalka. Kooxda Schalke ayaa rasmi ah u shaacisay in laacibkeeda 24-jirka ah ee Raul uu ka hadhay kooxda isaga oo u diyaar garoobin kulanka kooxdii la yeelaan doonto todobaadka soo socda .

Kooxda mainz kulanka koobka ee lagu tartamaayo koobka Bundesligah, waxay kooxdu intaa ku dartay in Raul safan doonin lugta hore ee is reeb-reebka koobka Eurpo League.Bals haddii u Raul uu ka ciyaari lahaa Helsinke uma suurto galayso inuu koox kale u safto tartanada horyaallada Yurub, haddii uu go’aansado inuu kooxda ka tago kooxda Schalka.Madaxa kooxda Scholke Horst Heldts, ayaa sheegay inuu ku soo wargaliyey inuu Raul doonayn inuu ku biiro kooxda Blackburn ee ka dhisan dalka Ingiriiska, iyada oo kooxdaasi hore u shaacisay inya doonayso gool-dhaliyaha ka soo jeeda dalka Spain hornaa ugu ciyaari jiray kooxda Real Madrid.

Heldt ayaa meesha ka saarin inuu Raul ka tagayo kooxdiisa ka hor dhamaadka xilliga kala iibsiga suuqa. Raul heshiisa uu kula jooga kooxdiisa oo dhamanaaya sannadka 2012,waxaana laga dareemayaa inuu jeclayn inuu la sii joogi takooxdiisa.