Saynisyahanno Muuska ka Sameeyey Daawo Lagu Dili Karo Fayraska HIV, Jooniska iyo Hargabka

Saynisyahan muddo badan ku daba jiray sidii ay daawo ugu heli lahaayeen faryasyo kala duwan oo sababa xannuuno halis ah, ayaa ku guulaystay in ay muuska ka soo saraan maado lagu dili karo cudur dhaliyaha jooniska (Hepatitis C), Hargabka iyo AIDS-ka.

Waxa khubaradan rajaynaysaa in daawadan cusub ay muhiim u noqon doonto in fayrasyo badan lagaga hortago, gaar ahaan in bina’aadamka ay ka difacaan cudurro halis ah.

Khubaradan waxa ay daawadan ka sameeyeen booratiin ay ka heleen muuska, gaar ahaan booratiin la yidhaa Banana Lectin amma ‘BanLec.’

Waa markii ugu horraysay ee muddo shan sanno ka hor ah arrintan daboolka laga qaado, taasoo la rajaynaayo in ay daawo muhiim ah u noqon doonto cudurka AIDS-ka, balse khubaradu waxa ay sheegeen in ay sababto saamayn aan la ogayn waxyeeladeedu intay leeg tahay.

Sidaa darteed, waqtigan waxa ay saynisyahannadu sameeyeen daawo cusub oo ay muuska ka soo saareen oo la yidhaa BanLec, taasoo la dagaalami karta fayraska, iyagoo ku tijaabiyey jiir, sidaa darteedna aan wax dhibaato ah lahayn.

Maadadan cusub ee BanLec ee khubaradu muuska ka soo saartay waxa ay xidhmo sonkoreed ku dhejinaysaa oogada fayrasyada adduunka ugu khatarsan, kadibn marka ay xidho fayraska, waxa ay ka dhigaysaa mid aan dhibaato lahayn oo si fudud hab-dhiska difaaca jidhku u dili karo.

Tijaabada lagu tijaabiyey jiirku waxa lagu ogaaday in maadadan ay jiirka ka dishay faryaska hargabka dhaliya, iyadoo aanu wax dhibaato ah dareemin amma aanay saamayn ku keenin.

Sidoo kale, daawadan laga helay muuska waxa ay la dagaalami karta marka laabka lagu tijaabiyey cudur dhaliyaha AIDS, Jooniska, gaar ahaan nooca C-da iyo hargabka.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay aaminsan yihiin in daawadan xataa ay la dagaalami karto cudurka Ebola, iyagoo sheegay in dhammaan cudurradaas oo dhan lagu dahaadhaayo unugyo sonkor ah oo ka yimaada maadada BanLec ee muuska laga soo saaray.

Khubaradan waxa kale oo ay ka digeen in si joogto ah loo cuno muuska, maadaama aanu daawo noqonayn, balse daawadan si cilmiyeysan lagaga soo saaray.

“Waxa aan samaynay waa wax aad u xiiso badan, sababtoo ah maadadama BanLec waxa loo beddeli kara hab lagaga hortagi karo faryaska, taasoo aan si toos ah muuska looga heli karin haddii qofku uu cuno,” ayuu yidhi Dr. David Markovitz oo wax ka dhiga kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda University of Michigan.

Dr. Markovitz iyo khabiirka la qoray ee Dr. Hashim Al Hashimi oo ka tirsan Jaamacada Duke University, ayaa sheegay in kooxdoodu in ay xal u heli doonaan fayrasyo badan oo daawo loo waayey, maadaama qaababkoodu is bedbedalaan sida hargabka oo kale.

Xigasho: Maankaab.com