Saxaafaddu Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Yeelan Geedi Socodka Dawladnimod Ee Somaliland?

Mudaddii uu xilka La wareegay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (SIILAANYO) oo imika ku siman laba sano oo wakhti yar dhiman ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo kordhayay cabudhinta iyo cagajuglayntalagula kacayay saxaafadda xorta ah. waxaa xadhig iyo ganaaxyo sharci daro ah lagu riday tiro badan oo saxafiyiin ah. iyadda oo dhacdada HORN CABLE TV albaabada loogu laabay iyo Tiradii ugu badnayd abid ee saxafiyiin ah xabsiga la dhigay ay ugu dambaysa.
Hadaba waxaa is waydiin leh Xadhiga iyo Cabudhinta Saxaafaddu Saamayn Intee Leeg Ayay Ku Yeelan Geedi Socodka Dawladnimod Ee Somaliland?
waa hubaal saxaafaddu inay tahay muraayadda hormarka iyo halka wax laga toosiyo ee aanay ahayn cadaw. hadii lagu dagdago cabudhinta saxaafada ama la isku dayo in dagaal lala galo waxaa ugu horeeya ee laga dhaxli karaa waa guuldaro. cabudhintan marba marka ka dambaysa soo badanaysaa waxay gef wayn ku tahay xoriyada saxaafada taas oo in badan ay xisbiga xaakimka ah ee KULMIYE wakhtigii uu mucaaridka ahaa aad ugu qaylin jiray in aan saxaafadda xoriyada laga qaadin. sidoo kale waxay waxbadan u dhimaysay kalsoonidii dadwaynuha reer somaliland iyo waliba beesha caalamku ku qabeen xukuumada SIILAANYO. Hadaba cabudhinta saxaafadu waxay u dhigantaa ama ka turjumaysa sida aanay xukuumada somaliland aanay diyaar ugu ahayn in la saxo qaladaadkeeda ama loo tilmaamo talaabooyinka qalooca ee ay ku qaadayso.
hadii aan ku soo durko jawaabta ama aan si kooban u sheego waa dib u dhac iyo cabudhintii ay dadka reer somaliland ka gadoodeen ee Siyaad Barre.
Qalinkii: Xamse Cisman Xasan (LEEB)