Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland waa Hanti Qaranku leeyahay – W/Q: Faysal Cumar Madar

FaysalHabeenkii Arbacaad ee bishan April 24 2013, ayaa waxa lagu soo duulay tiir ka mid ah  Rukumadda Saxaafadda qaranka Somaliland ku faanno. Haa, Waa warbaahinta Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu bil amaarra ay doraad ugu danbeysay kaga faanayeen Carro Maraykan ee ay yidhaahdeen waxaanu kaga horeynaa waddamadda Gobolka Geeska Afrika badankoodda.

Waxay ahayd arrin hor leh iyo mashruuc ugub ah oo la soo waariday. Haddaba, waxaa muddan is weydiin su’aasha ah ‘Yaa qaranka soo weeraray?

Ma qarankii Somaliland uunbaa is weeraray, waa waliba waa  Tiir kale oo qaran, (POLICE) oo isna muhiim ah ayaa magaciisu galay cidda falka gaysatay. Waa tiir aan looga baran weerarka noocan ah inuu ula tago tiir kale ummana aanoobo. Waayo? Waxa looga bartay markay POLICE ku weerarayaan saxaafada inay ugu yimaadaan koox oo gaadhi ciidanku leeyahay wataan oo ay yidhaahdaan waa laydin xidhayaa oo ay saldhig POLICE halka ugu dhaw geeyaan ama xarunta C.I.D ka dib sidii caadada ahayd saxaafaduna daabacdo wergays hebel waa la xidhay shaqaalihiisii iyo saxaafadii waa la cabudhinayaa iyo ereyada aad akhriste ka dharagsan tahay ee badnaa soo noqnoqda.

Wuxuu yidhi, ‘ka daryoo Saceenii’ hee, Doorkan, waaba si kale oo hor leh waa sidee, waa ba POLICE afka duuban oo BASTOOLAD iyo BAKOORAD sita oo hawl gaara ah oo aanu ku wadda socon wata oo u dhaqmaya sidii kuwii iyaga waa POLICE kee loo sameeyay ee ay qarankan ka ilaalinayeen. Kuwii ay ka hortagayeen ayay shaqadoodii fulinayaan haddaan si kale u dhigo. Abwaan Gaariye ayaan ka hayaa Alla ha u naxariistee, “Oori weerku ku raagayoo

Geeridii odeygeedu

Afaafkay ku banaysay

Ninkii owdi lahaa

isagii fadhataystey

yaanu eersa nidhaa”

Yaab iyo amakaag ayay dadkii qaadeen waxay is weydiiyeen hadiiba ay POLICE kii dadkoodii weeraryaan yaa ka ilaalin doona.

Waxaan jeclahay akhriste inaan laba arrimood oo labadan halbowle ee qarankani leeyahay waa SAXAFADA iyo POLICE ka ee ay ku dhexleeyihiin bulshadan Somaliland oo ah magac iyo qaddarin.

Milgaha POLICE ka Somaliland:

Ciidanka POLICE ka Somaliland waxay leeyihiin sharaf iyo dhawr sanaan laga arkay oo hore inta badan waxa dhacda hawlgalo ay POLICE ku fuliyaan oo shaqada loo igmaday ka mid ah sida mararka ay ka hawl galayaan amaanka, hawlgalada meelaha dadku isku qabtaan, sida dhulka, waxa kale oo tusaale ah sida marka MUDAHARAAD  ay ka hortagayaan. Intaaba waxa ka dhacda gacan oo ay marmarka qaar sababta DHIMASHO iyo DHAAWAC  iyo marmarka qaar ay hanti umadeed burburiyaan amase baabi’iyaan sida ogaalkay ah, markay falalkaas ku kacaan cidi kama aarsato oo arki maysid cidleh POLICE baa walaalkay dilay oo waxaan rabaa inaan u aaro oo aan nin POLICE ah u dilo.

Shacabka Somaliland oo dad ilaahay mahadi ha ka gaadhee ku ilhaamsan wadaniyadda iyo wada noolaanshaha bulshada ah ayay taasi ku timi, waxaanay aamineen in ay tahay wax sharciya oo aan laga hadli Karin. Hadaba waxaad moodaa in ay dhawaan tan inagu cusub tahay dhaqan xumooyin sharafta lagaga dilayo sumcada POLICE ka oo qaar iyaga ka mid ahi waliba wadaan waayo waxa tusaale ah:

  1. Waxaad maqashay masuul POLICE ah oo ka leh SAXAAFADA, waxa halgalkaa aanu ku fashilinay falkaa argagaxnimiso. Iyaddoo ay tilmaamayaan nin shacab ah oo ka caawiyay, ayna leeyihiin waxaa nagu taageeray hawshaas hebel hebel, ka dibna HEBELKII si dhibyar loo DILO ka dib marka uu ciidankiisa gacan siiyay.
  2. Waxa kale oo aad maqashay GAADHIGA khamriga lagu qabtay waa gaadhigii ciidanka oo dirawalkiina uu wado oo askari ahi halka warkaasi ka yimidna waa BBCda oo meel walba laga dhagaysto oo cid waliba dhagaysato.
  3. Waxa kale oo ugu danbeeyay oo aad maqasheen TALIYIHII oo leh nimanka afka duubnaa waa ciidankayaga oo waa niman POLICE ah hada waa kuwa shirqoolka DHAGARAYSAN afka usoo duubtay ee waliba weerarka ku ahaa mid ka mid ah HANTIDA qarankani iibgeeyo ee uu kusoo gato faa’iidadiisa SUMACADA manta Somaliland ku naaloonayso.

Doorka SAXAFADA XORTA ah ee Somaliland:

Waxa marag ma doon ah oo aad ogtahay in saxafada Somaliland ee xorta ahi tahay ta iib gaysa ee u soo bandhigta bulshada caalamka waxa ay Somaliland qabsatay ee ah (dib-udhis, nabadgalyo. Dumuquraadiyadad, xoriyatal-qolka).

Is-weydii sobabta uu Siilaanyo u sheeganayo warbaahinta ka hanaqaaday Somaliland ee fagaarayaasha siyaasadda caalamka ugu bandhigayo inta wargeys ee ka soo baxda?, waxa kalood is weydiisaa halkii uu sidaa ka lahaa isgoo wali ku sugan in la yidhaa waxa SAXAFADII aad ku faanaysay waxa DIL  ula badheedhay qaarka mida ciidankii POLICEKA.

 Su’aasha meesha taalaa waxa weeyi maxaa POLICE kii iska badalay ama maxaa qarankii iska badalay, ilayn waadigan arkaya sida wax u socdaane maxaa keenay inta KULMIYE dalka haystay in wax yaabo badan oo aynu ceeb u naqaanay noqdaan wax iska caadi ah sida xadhiga, dilka, shirqoolka suxufiyiinta ee ay xukumadani caadaysatay.

Maxaa yeelay SAXAFADAN XORTA ahi waa ta keentay in aynu ku badalno QORIGII qalin oo halkii QOFKU ku ciil bixii lahaa qorigiisa in uu ku ciil baxo QALINKA iyadoo sahashay arinkaa saxafada madaxa banaani.

Waxa umadan ku ceeb ah oo qarankana dhaliil u ah in la yidhaa askartii cashuurtooda looga dhigayay mushaharka ayaa shicibkoodii intay afka u duubtaan shirqoolaya ama laynaya dhibaato intee le’eg ayay inoo leedahay? Oo kudarsoo taliyiihii u sareeyay qiraal ka yihay

Macno intee le’eg ayay indhaha caalamka u yeelanaysaa. Sidday doontaba ha ahaatee, waxaa la gudboon laamaha dawladda gaara ahaan ciidamada Amaanka inay arrintan iska baraxaan oo sidda ugu dhaqsaha badan ummadda ugu bandhigaan halka laga soo maleegay falka lagu Weeraray Wargeyska Hubaal. Haddii kale, waxaa ay canbaar ku noqonaysaa guud ahana ciidmaddii Qaranka iyo gaar ahaan Xukuumadda Siilaanyo oo immikaba lagu tuhmayo.

Faysal Cumar Madar