Saxaafadda Madaxabanaan Oo Ka Digtay Xeer Dabar Ah Oo Loo Soohay Oo Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dabada Ka Riixayso

imagesrrrHargeysa (SLpost)-Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ayaa ka digtay halista ku duugan xeer ay guddiga arrimaha bulshada golaha wakiiladu diyaariyeen oo la doonayo in dhawaan la horgeeyo golaha wakiilada, kaas oo ay dabada ka xiirayso xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xeerkaas loogu tallo galay cabudhinta saxaafadda, waxa laga soo dheegay xeerarka saxaafadeed ee uu wadan ka mid ah wadamada shisheeye u sameeyay cabudhinta saxaafadiisa, wadankaas oo ah wadan aanay xorriyad saxaafadeed ka jirin. Bayaan ay saxaafadu ka soo saartay kulamo muddooyinkii u dambeeyay u socday, ayaa waxa ay u ku yidhaahdeen sidan:  “Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland kulan ay isugu yimaaddeen maanta oo ay taariikhdu tahay 28/10/2013, waxay dood dheer kaga yeesheen xeer qabyo-qoraal ah oo loogu talo-galay inay ku shaqayso warbaahinta Somaliland, kaas oo ay wadaan guddi-hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha wakiillada, lana qorshaynayo in golaha wakiillada la horgeeyo, iyadoo ay dabada ka riixayso xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Kulankaas waxa lagu naaqishay caqabadaha sharci ee uu leeyahay xeerkan qabyo-qoraalka ahi.

Xeerkani waxa uu ka kooban yahay toddoba qaybkood oo sii qaybsama  45 qodob oo badankoodu dabar iyo caqabad ku yihiin xuquuqda muwaadinka, madax bannaanida iyo xil-gudashada saxaafadda. Xeerkan qabyada ahi waxa uu meesha ka saarayaa jiritaanka warbaahintii madaxa bannaanayd (Private Media) iyo sidoo kale warbaahintii dadku wada lahaa (Public Media), waxaanu dhammaan warbaahintii ka dhigayaa hal warbaahineed oo ah warbaahin dawladeed (State Media).

Markii ay warbaahinta Somaliland oo kaashanaya sharciyaqaanno ay muddo dersayeen xeerkan, waxa u soo baxday in uu xeerkani xambaarsan yahay qoddobo iyo mabaadii’ ka horimanaya tiirarka dimuqraaddiyadda iyo jiritaanka xorriyatul-qawlka. Arrimaha sidoo kale uu xeerkani salka ku hayo ee warbaahinta u soo baxay waxay yihiin;-

1- In uu ka soo horjeedo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In uu liddi ku yahay xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah ee Xeer No. 27/2004.

3-In uu meesha ka saarayo xaqa asxaabta siyaasaddu u leeyihiin inay yeeshaan warbaahin u gaar ah, sida ku xusan xeerka ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka ee (Xeer No. 14/2011) oo dammaanad qaadaya in axsaabta siyaasaddu yeelan karaan warbaahin.

4- In xeerkani uu ka soo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha oo uu aqoonsan yahay fulintiisa dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

5- In uu dedafaynayo xaqa muwaadinku u leeyahay in uu hanti gaar ah yeesho, sida ku cad dastuurka JSL.

6- In uu aasaasayo hay’ad xukuumi ah oo laalaysa madax bannaanidii warbaahinta, isla markaana hoos geynaysa xukuumadda.

7- In uu jidaynayo in warbaahinta lagu samayn karo faafreeb rasmi ah, isla markaana markii la doono lagala noqon karo ruqsadaha shaqada.

8- In uu xeerkani awooddii garsoorka ku wareejinayo cid gaar ah, taasina ay sahlayso inay ugu takri-falaan awooddaas siday doonaan.

9- In xeerkani bannaynayo in dhammaan warbaahintu ay warbixin sanadeed la xidhiidha hawl-maalmeedkooda shaqo ay horgeeyaan golaha wakiillada, taas oo macnaheedu yahay in warbaahinta laga dhigayo hay’ad dawli ah.

10- In uu xeerkani curyaamin ku samaynayo dhaqaalaha hay’adaha warbaahineed ee dalka.

Ka dib markay warbaahintu aragtay qoddobadaa kor ku xusan iyo in xeerkan laga soo minguuriyay xeer-saxaafadeed loo sameeyay dal shisheeye oo saxaafaddu ku jirto cagta hoosteeda, waxaanu go’aansannay;

-In saxaafadda madaxa bannaan oo isku duubani ay ka soo horjeeddo xeerkan guud ahaantii oo 95% ah dabar iyo cuna-qabatayn warbaahinta madaxa bannaan lagu hoos-geynayo xukuumadda.

-Waxaanu golaha baarlamaanka  Somaliland ugu baaqaynaa inay joojiyaan isku-dayada lagu doonayo in lagu cabudhiyo saxaafadda ee ka hor imanaya sharciyada dalka iyo xeerarka caalamiga ahba.

-Waxaanu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa in aanu hormood ka noqon cabudhinta saxaafadda; ‘Madaxweyne ma waxaad ogoshahay in wasiiradaadu hormood ka noqdaan dhaqan-gelinta xeer laga soo dheegtay dal uu kali-taliye hoggaamiyo oo aanay dimuqraadiyadi ka hirgelin. Mudane madaxweyne, warbaahintii aad shalay u doodaysay, maanta adigu ha sadqayn.’

-Xisbiyada siyaasadeed ee qaranka waxaanu la socodsiinaynaa in sidoo kale uu xeerkani meesha ka saarayo xuquuqo distoori ah oo ay leeyihiin.

-Waxaannu umadda Somaliland, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha xorriyatul-qawlka & dimuqraadiyadda u sheegaynaa in lagu soo duulay madax-bannaanidii saxaafadda Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET