Saxaafadda Caalamka oo siyaabo kala duwan uga hadashay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Dalka Guinea

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta Caalamka qaarkood, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Dalka Jamhuuriyadda Guinea ee Galbeedka Qaaradda Africa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Arbacadii socdaal ku gaadhay caasimadda Conakry kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu u fidiyey madaxweynaha dalkaas Prof Alpha Conde oo si heer caalami ah u qaabilay.

 

Warbaahinta Caalamku waxa kale oo ay ka hadashay saamaynta ka dhalatay socdaalkaas oo sababay in dowladda Soomaaliya ku dhawaaqdo inay xidhiidhka dibloomaasiyadeed u jartay dalka Guinea oo aanay habayaraatee aanu ka dhaxaynin wax xidhiidh ah iyo Safaarado uu dalkaasi ku leeyahay dalka kale.

 

Haddaba muuqaalkan hoose ka daawo warbixin laga diyaariyey wararka ay saxaafadda caalamku ka qoreen Arrimahan.