SAX IYO QALAD: Doodda Xisbiyada iyo Xukuumadda ee Qabsoomidda Doorashooyinka 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa dhinac waliba dhinaca kale ku eedeeyey inuu caqabad ku yahay qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Dowladaha Hoose oo loo mudeeyey inay dalka ka qabsoomaan horaanta sannadka soo socda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay hadlay, ayaa xisbiyada mucaaradka ku eedeyey inay maleegayaan tallaabooyin dhan ka ah amniga dalka iyo sidoo kale qabsoomidda doorashooyinka.

Sidoo kale, Xisbiyada mucaaradka, ayaa madaxweynaha ku eedeyey inaanay xukuumaddiisu diyaar u ahayn inay dalka ka qabato doorashooyinka wakhtigooda loo muddeeyey, iyagoo mucaaradku ku doodaya in la kala diro Guddiga Doorashooyinka oo ay kalsooni-darro ka muujiyeen.

Haddaba, doodda arrintan waxa warbixin ka diyaariyey Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, Barkhad Maxamuud Kaariye oo waraysi la yeeshay hoggaanka sare ee xisbiyada mucaaradka hadalka madaxweynaha ee shalay kaddib.

HALKAN HOOSE KAGA BOGO FAAHFAAHINTA ARRINTAN

https://www.youtube.com/watch?v=P7GRCkgKVPA