Sawir Qaade Ka Tirsan Telefiishanka Royal24 Oo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qarax Miino Oo Ka Dhacay Jidka Dawga-Cad

Hargeysa, (SLpost)- Sawir qaade Axmed Cumar Cadaani(Saafi) oo ka tirsan Telefiishanka Caalamiga ee Royal 24 tv oo fadhigiisu yahay Magaalada London ee dalka Britain, ayaa dhaawac ka soo gaadhay lugta midig,  wakhti ay maanta qaraxyo lagu banaynayo jidka Dawgacad ay samaynaysay hay’ada Somaliland u qaabilsan miino saarka ee magaceda loo soo gaabiyo NDA.
Sawir qaadaha oo wakhtigan  lagu daaweynayo cisbitaalka gaarka loo leeyahay Gargaar oo ku yaala Magaalada Hargeysa, ayaa ay xaaladiisu aad u wanaagsan tahay, isaga oo ka soo kabanaya dhaawacii soo gaadhay saacado ka hor.
Waxaana uu sheegay in wakhtigii uu dhaawacu heleelay uu sawiro ka qaaday  qaraxyo tiradoodu dhamayd saddexa qarax oo  lagu banayanayay jidka Dawgacad, iyada oo si lama filaan ah uu  ugu dhacay dhagax  culus oo ka soo duulay dhadhaabyo la qaraxniyay.
“Meesha waxa lagu qaraxinayay ilaa saddex qarax oo kala duwanaa, labadii hore sawirada ayaan ka qaaday oo wax dhibaato ahi igamay soo gaadheen, laakiin waxa dhawaacu iga soo kii saddexaad oo ahaa  mid aan masaafo ahaan aad uga fogaa , Luga midig ayaan ka dhawaacanahay. Waxa I helay waa qadar Ilaahay, aad ayaan u ladanahay, waxaan aad ugu mahadcelinayaa saxaafada Somaliland ee i  soo booqatay” ayuu yidhi sawir qaade Axmed Cumar Cadaani oo warhaainta kula hadlayay  cisbitaalka Gargaar.

Axmed Cumar Cadaani ayaa  noqday sawir qaadihii ugu horeeyay ee  muqaalo naxdin leh ka soo  ka soo ka soo tebiya,  shilalka dhacay wadada Dawgacad, isaga oo  sawir xusuus ku reebay  maskaxda dadka ka soo qaaday shil  baabuur oo sababay  dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay  ilaa saddex iyo toban qof horaantii sannadkii 2010-kii, waxaana uu wakhtiyo kala duwan ka soo waramay masiibooyin ka dhacay halkaas.

————————————————————————–

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net