Sawirkan waxaa lagu soo bandhigay Bogagga Xidhiidhka Bulshada caalamka , waxaana aad u hadal hayo weli Kumanaan Qof oo Bogaggaas aad u isticmaala.
Waa Inan Muslim ah oo Yurub jooga, kaas oo sida Sawirkaba ka muuqata Dusha Funaanada uu wato ku soo daabacday Ereyo English ah oo Micnahoodu yahay
I AM NOT EATING FROM SUNRISE TO SUNSET ASK ME WHY ” Aniga Waxba ma cunayo laga bilaabo Waa-Bariga illaa Gabal-dhaca. I waydii Sababta?”.
Wuxuu Wiilkan ugu tala galay Funaanadan inuu Dadka aan Muslimka ahayn ku ogeysiiyo in lagu jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan oo qiimo weyn ku fadhida.
Dadkii ka faallooday Sawirkan ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay, waxaase Hadaladoodu ay isugu biya shubanayeen in Sawirkani uu yahay mid si dhab ah ,oo xigmadiisuna ka turjumayso Dareenka Qofka Muslimka ah ee Bisha Ramadaan Waajibkeeda gudanaya.
Waxay kaloo Dadkii ka faallooday Sawirka qaar badan oo ka mid ahi sheegeen in Sawirku uu si dadban Fariin ku saabsan Diinta Islaamka iyo Micnaheedaba ugu gudbinayo Dadka aan Diintan qiimaha leh heysan ee Dunida ku nool gaar ahaanna kuwa ay meel wada joogaan Wiilka Funaanadan wata.