Sarkaal Hore uga tirsanaan jiray Kooxda Al-Shabaab, Rag ay Saaxiibbo ahaayeenna Qudha laga Jaray, oo Sheegay inuu ka Goostay Kooxdaas

 Nairobi (SLpost)-  Omar Hammami oo ka mid ahaa dagaal-yahannada ajaanibka ah ee ka tirsanaa kooxda Al Shabab ee ka hawl-gasha gudaha dalka Somalia, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay kooxdaas iyo urur-weynaha Al Qaida ee ay xidhiidhka leeyihiin, inkasta oo weli uu aaminsan yahay inuu argagaxiso yahay.

Omar Hammaami oo u dhashay dalka Maraykanka, waxa uu go’aankiisan ku shaaciyey waraysi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, waxaanu sheegey inuu xidhiidhka u jarey hoggaamiyaha Al Shabab, Mukhtar Abu Zubeyr, oo uu sheegey inuu naftiisa uga baqayo inuu dilo, ka dib markii dhowaan la laayey xubno ka tirsanaa saraakiishii u sar-sarreysay kooxdaas.
Wareysigan oo idaacadda VOA khadka telefona kula yeelatay Hammaami, ayuu ku sheegay inuu haatan ku dhuumaleysanayo keymo ku yaala gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya, waxaanu sheegey in dagaalyahanada Al Shabab ay qabteen labadiisa Xaas wax yar kadib markii sida uu sheegay ay malleeshiyaadka Al-Shabaab qudha ka jareen qof martigaliyey xaasaskiisa.
Hammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, ayaa dalkaasi Somalia tegey sannadkii 2006, wakhtigaas oo ay magaalada Muqdisho ka talinayeen Maxaakiimtii Islaamiga ah oo ka adkaaday qab-qablayaashii dagaalka, waxaanu ugu dambeyntii ku biirey kooxda Al Shabab.

xmaamiDawladda Mareykanka ayaa raadineysa ninkan, iyadoo loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero u fidiyey urur argagixiso oo shisheeye. Mareykanka waxaa uu ku yaboohay 5 million oo dollar qofkii soo sheega war ama xog horseedaya in lagu soo qabto Hammami.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somaliladpost.net