SARAAR: Booliska oo Ka Hadlay Dil Habeen Hore ka Dhacay Degmadda Oog

 

 

Caynabo(SLpost)-Habeen hore dil ka dhacay deegaanka degmada Oog ayay ciidammadda  booliska, millatariga iyo maamulka  degmadda  iyo gobolkuba ka hawl galeen iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka degmada Oog.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saraar Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaale,ayaa sheegay in dilku  ka dhacay goob miyi ah oo aroos laga soo dareeray isla markaana ay dhalinyarro aad u badan oo hubaysani ka qeyb galeen.

Taliye Guutaalle waxa uu  intaa ku daray in dilku markii uu dhacay ay ka wada hawl galeen ciidamada Booliska,Millatariga iyo Maamulka Gobolka Saraar  ee heer gobol  iyo Degmo  iyo Guud ahaan bulshada deegaanka oo qeyb weyn ka qaadatay in mushkiladda dilkaasi aanay sababin in ay dhibaato kale dhacdo.

 

“Alle ha u naxariistee waxaa habeen hore ku geeriyooday rasaas ku dhacday Marxuum  Axmed Xasan Durraan waxaana ku dhaawacmay laba hablood. dhimashada iyo dhaawacaba waxaa sababay xilli dambe  oo  habeenimo ah ayay ahayd  waxaana laga dareeray aroos waana deegaanka degmadda Oog markaa dhalinyarro badan oo hubaysan ayaa meesha maraysay waanay is wada eryadeen markii arooska laga dareeray, markaa rasaas badan ayaa la  riday laakiin dhanka Marxuumku ka dhintay   cid ayay tuhmeen oo ay dilkaa u aaneeyeen , nasiib wanaag beeshii  la aaneeyayna daw bixiye in ay yihiin ayay noo caddeeyeen.” Ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saraar  Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaale oo u warramayay wargeyska Dawan.

 

Taliyuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay . “Dhinicii la tuhunsanaa  dad ayay soo qabteen oo ay ciidanka u keeneen oo xidhan,  baadhistiina way noo socotaa,waxaana  guul ah in labada dhinac ee dilka isu sheeganayaa in ay yihiin laba reer oo dan iyo daris wanaag ku wada noolaa boqolaal sannadood oo aanay waligood dhibaato kala gaadhin. Ciidankuna baadhistii ayay ku gudo jiraan illaa baadhistu soo dhammaatana  ka hor dhici maayo,”ayuu tidhi Taliye Guutaalle