Saraakiil Ka Socda Ciidamada Federaalka Itoobiya oo Hargeysa soo gaadhay

Hargeysa (SLpost)- Wefti culus oo ka socda Itoobiya oo uu Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Federaal ee dalka Itoobiya General Burhanu Kabada iyo sarakiil kale oo sare.

Weftiga oo Ka Soo dagay Madaarka diyaradaha ee Egal International Airport ee Hargeysa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan iyo Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Lama oga ujeeddada dhabta ah ee ka dambaysa socdaalka Weftiga saraakiisha Ciidan ee dowladda Federaalka Ethiopia ku yimaaddeen Hargeysa, haseyeeshee war ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka ayaa lagu sheegay in saraakiishani kulan la qaadan doonaan Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.