Sannad-guuradii 33aad ee Aasaaskii SNM oo maanta ku beegan iyo Hambalyada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta ku beegan Xuska sannad-guuradii 33aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ururka Dhaq-dhaqaaqa Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed (SNM) ee Taliskii Siyaad Bare dib uga xoreeyey madax-bannaanida Somaliland, kaas oo markii u horreysay dhidibadda loo taagay 6-dii April, 1981-kii.

muuseGuddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibaddan awgeed hambalyo u diray mujaahidiinta, hooyooyinka iyo Agoomihii ay ka tageen Shuhadadii SNM, war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf.

War-saxaafadeedkan xambaarsan bogaadinta Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xuska sannad-guurada 33-aad ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM oo ku beegnayd 6-dii bishii April sannadkii 1981-kii.

Guddoomiyuhu waxa uu ku hambalyeynayaa mujaahidiintii, hooyooyinka iyo agoomaha SNM sidii ay uga midho-dhaliyeen ujeeddadii loo aasaasay ururka, waxaannu Alle uga rajeeyey in intii nool sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, inta xannuunsanaysana caafimaad uu siiyo, isagoo Ilaahay baryey mujaahidiintii ku shahiiday xorrayntii dalkana inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.”

SOMALILANDPOST.NET