Sannad Guurada 4-aad ee M-weyne Silaanyo iyo Xukuumad ku suntan Wax-qabad iyo Horumar.

  1. engHORDHAC:

27-07-2014-ka, waxay ku beegantahay sannad-guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay markii ay Xukuumadda M/weyne Axmed Sillaanyo si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka iyo talada dalka. Waxay ahayd wax laga xishoodo in Madaxweyne Riyaale oo sideed sannadood Dalka xukumayey inuu haddana markii uu Talada Dalka wareejinayey uu ku af-gobaadsado waxaan idinku wareejiyey ‘Dal iyo Dad dhisan’. Allaa ina lehe muu ahayn erey meesha qabanayey. Waayo, M/weyne Axmed Silaanyo waxa lagu wareejiyey dal ay Khasnadihiisii iyo Baankiiba haawanayeen oo shaqaalihii iyo Ciidamadii nabadgelyada iyo difaaca Qarankuba aanay dhawr bilood wax mushahar ah qaadan. M/weyne Axmed Silaanyo waxa lagu wareejiyey xilli ay dalka dul-hoganayeen daruuro madow oo rajo-xumo kuwaasoo xambaarsanaa dhaqaale xumo, maamul xumo iyo musuqmaasuq laga dhaxlay Xukuumaddii talada wareejisay iyo weliba rajadii, filashadii, hankii iyo hiigsigii ummadda JSL lahayeen oo mugdi iyo mad-madow sii galayey.

Haddaba, akhristoow afar sano ka bacdi, waxaynu aragnaa in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Axmed M.M.Silaanyo ay kasbatay xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba. Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Axmed Silaanyowaxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaadayhanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan.

  1. Xukuumad ku suntan Wax-qabad iyo Horumar.

Qof ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho-tiro. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay!!

Xukuumadda KULMIYE markii ay talada dalka la wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (ku u codeeyey, mid ka codeeyey iyo mid aan codaynba) u ballanqaadday inay noqon doonaan xukuumad ay dadku leeyihiin, xukuumad danta guud u adeegta balse iyadu aan ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaadeen inay soo celin doonaan magacii iyo milgihii dawladnimo ee Qaranka JSL.

4 Sano kaddib, waxaynu aragnaa inay Xukuumadda M/weyne Axmed M.M. Silaanyo la timid Horumar muuqda, Himilo toosan iyo Hiigsi dhab ah. Shacbiga JSL ayaa gar-soore ka ah wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay xukuumaddani soo bandhigtay muddadaa 4-ta sano ah waana wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waxay ku suntan-yahay:

  1. Xuk. (100%) kordhisay Mushaharka Shaqaalaha Dawladda oo dhan.
  2. Xuk. kobcisay (afar-jibbaar) Dakhliga Dalka.
  3. Xuk. suurto gelisay Bixinta Darajada Ciidamada, Tayaynta iyo Daryeelkoodaba.
  4. Xuk. suurto gelisay Waxbarashada Bilaashka ah.
  5. Xuk. kor u qaaday Hanka iyo Hadalhaynta ay Beesha Caalamku u qabaan JSL.
  6. Xuk. Daah-furtay, Dunidana ku baraarujisay Khayraadka-Dabiicaga ah ee JSL.
  7. Xuk. suurto gelisay soona jiidatay Maalgashiga Bulshada Caalamka.
  8. Xuk. dhiirigelisay Beeralayda iyo wax soo saarka Beeraha
  9. Xuk. kor u qaaday tirada Shaqada iyo Shaqaalahaba.
  10. Xuk. kor u qaaday Tayada iyo Tirada Xarumaha Caafimaadka Aasaasiga ah.
  11. Xuk. dib u dhistay dhammaanba Xarumaha Dawladda; heer Qaran, Gobol & Degmo.
  12. Xuk. suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda.
  13. Xuk. Dhallinyarada siisay Fursadaha ka qaybgalka maamulka dalka heer kastaba.
  14. Xuk. Haweenka JSL siisay Fursadaha ay kaga qaybgali karaan maamulka dalka.
  15. Xuk. la timid Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarada Dalka.
  16. Xuk. ka dhabaysay lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga JSL.
  17. Xuk. ku guulaysatay Sugidda Xuduudaha Bariga ee Dalka JSL.
  18. Xuk. u guulaysatay nabada iyo wada-noolaanshaha Gobolka Sool.
  19. Xuk. u Damqata oo daryeesha Agoomaha, Danyarta iyo Naafada.
  20. Xuk. soo jiidatay Gobollo aan Xisb. KULMIYE hore ugu codayn jirin.
  1. Xukuumaddu ha ka badheedho difaaca wax-qabadkeeda:

Horumarka iyo guulaha ay Xukuumaddu gaadho waxa carqalad ku ah kooxo iyagu mar walba u tafo-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo ay Xukuumaddu xagga wanaagga u qaado ay ummadda ugu tarjumaan sida qaldan, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno, hab-dhaqanka noocan ah oo malaha ay u arkaan inay danahooda gaarka ahi ku jiraan.

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada wax-qabad ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo. Shacbiga oo qira kuna qanca waxqabadka iyo qaabka ay Xukuumaddu dalka u maamulayso waa guusha iyo haybadda ugu sarraysa ee uu hoggaamiyuhu ka heli karo ummaddiisa. Waxa lagama-maarmaan ah in la difaaco hurumarka, hiigsiga iyo himilada ay ummaddu leedahay. Sidaa daraadeed, Xukuumaddu ha ku dhiirrato inay si cad u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay.

Xukuumadda waxa la gudboon inay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay shacbiga JSL si miisaan iyo mugba leh ugu gudbin lahayd in horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumaddu ku tallaabsato ayna cidina gaar u lahayn balse iyagu (shacbiga) ay yihiin kuwa leh horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waa inay si dhab ah uga hawl-gashaa inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin. Xukuumaddu ha ka feejignaato aafada ay shacbiga dhexdiisa kula wareegayaan Siyaasiyiin iyo kooxo iyagu dan gaara leh, kuwaasoo aan garanaynin waxay ka gadayaan bulshada.

4. Gabagabo:

Waxaa nasiib darro ah in Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee uu Distoorku Xaqa iyo Awoodaba u siiyey inay la xisaabtamaan Xukuumadda qaladkeedana saxaan, ay haatan isu bedeleen MADAL LAGU KOBCIYO QABYALADDA iyo KALA QAYBINTA Bulshada walaalaha ah. Waxaa nasiib darro iyo wax laga xumaadaba ah in Hoggaanka iyo siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ahi uu weli hankooda iyo damacooda siyaasadeedba ku salaysan yahay Tollaay Yaa Reer Hebelaay. Waxa haddaba is weydiin leh Maxaynu uga guurnay nidaamkii hab-beeleedka ee aynu u qaadanay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan haddii ay Siyaasiyiinteenu weli ummadda ku beer-laxowsanayaan Tollaay Yaa Reer Hebelaay?? Ma kula tahay nin qawaday inuu noqdo siyaasi Qaran, inuu Qolonnimo bulshada wax kaga heli karo ama uu ummadda sidaa ku hoggaamin karo??

 

Shacabka qiimaha leh ee JSL garaadkoodu wuu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay ku jaah-wareeriyaan waxaan iyaga dani ugu jirin. Bulshada JSL ee nabadda iyo horumarkaba jeceli si weyn bay u arkaan ulana socdaan kooxaha mar walba iyagu xumaanta u tafa-xaydan ee mar walba dedaalka ugu jira inay Xukuumadda M/weyne Axmed Siilaanyo ay xagal-daaciyaan oo guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddiisu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac. Shacabka JSL ma rumaysna dhegna jalaq uma siinayaan kooxaha mar walba balada iyo baaska aan jiri u saadinaya ee la wareegaya in dalku uu ku jiro xaalad khatar ah oo loo baahanyahay in la bedbaadiyo. Shacabka JSL waxay ogyihiin meelna uga soo wadajeedaan in kooxahani ay yihiin shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo iyaga u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee Qaranka iyo ummadda.

Shacbiga waxa ku waajib ah inay runta iyo xaqa u hiiliyaan oo ay Xukuumadda ku taageeraan dedaalka ay ugu jirto ka rumaynta himilada ay ummaddeenu leedahay. Sidoo kale waa in shacbigu aanay marnaba ka gabban toosinta iyo taakulaynta wixii Xukuumadda ka qalloocda. Shacbigu ha ka gudbaan u habrashada qabiilka ee dabarka iyo hoggaanka ugu xidhay nin ama koox qalloocan oo hayb-qabiil lagu taageerayo, kaasoo haba yaraatee aan dantooda innaba wadin inuu iyaga ku danaysto mooyee.

 

Jamhuuriyadda Somaliland HA NOOLAATO

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|