Sanadkan 2015 oo Ay Yurub Galeen Hal Milyan Oo Qaxoonti Ah

EU(SLpost)-Tirada muhaajiriinta iyo qaxootiga gaaray Yurub ee dhulka iyo badda ka soo galay sanadkan 2015ka, ayaa dhaafay hal milyan.

Tiradii ugu dambeysay, ayaa muujineysa in afar laab ay korortay marka la barbardhigo sanadkii tagay. Ururka caalamiga ee muhaajiriinta oo la socday qulqulka dadka gaaraya koonfurta Yurub, ayaa sheegay in tiro ka badan 80 boqolkiiba ay Giriiga ku yimaadeen dhulka. Ku dhowaad kala bar, waxay ka yimaadeen Suuriya iyadoo kala barka kale ay Afghanistan yihiin.

Ku dhowaad 3kun iyo toddobo boqol, ayaa lagu qiyaasay inay dhinteen iyagoo iskudayaya inay ka gudbaan biyaha Mediterranean-ka.

Safarka ugu qatarsan, ayaa u dhexeeyay waqooyiga Afrika iyo Talyaaniga. Soogalootiga tirada badan ee Yurub oo ahaa kii ugu badnaa ilaa dagaalkii labaad, ayaa ku qasbay dalalka Midowga Yurub inay jawaab mideysan u helaan balse waxay keentay kala qeybsanaan siyaasadeed.