Sanadka 2013, Hargaysa iyo Muqdisho: Magaalo doonaysa dhimasho iyo mid soo noolanaysa

Akhristaha sharaftalehoow, intaanan kuu sheegin sida aan ku gaadhay dulucda qoraalkaygan ee ciwaanku xambaarsan yahay iyo sababtaan ugu maleeyay in Hargaysi ay tahay magaalo nool oo doonaysa inay dhimato, Muqdishano magaalo dhimatay oo rabta inay soo noolato, ila wadaag sadex sheeko oo gaagaban, fahana dulucday xambaarsan yahiin.

Mid ka mida sheeko xariirta, taariikhiga ah ee ay Somalidu sanaddaha badan isu tabinaysay, ayaa ina soo gaadhsiisay in hogaamiye caan baxay oo la odhan jiray Garaad Wiil-waal uu beelahii uu u talin jiray uu ku xujeeyay in nin kasta oo beesha ka mid ahi uu keeno gole loo balamay  “cadka rag walaaleeya/ kala geeya” . Xujadan uu Wiil-waal dhex dhigay beeshiisii ayaa ka abuurtay dood adag iyaga oo odayashii reerahu ay isku af garan waayeen cadkaasi kuu yahay. Shirar gooni gooniya iyo mid guud, markii la isku raaci kari waayay waxa ujeedada Wiil-waal tahay, ayaa nin waliba reerkiisa dib ugu noqday. Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, midba cad gaar ah ayuu codsaday.

Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin caydh ah oo caruur rajo ah korsada, waxa caruurta ugu waynayd gabadh markaas uun qaan gaadhay. Gabadhan yar ayaa aragtay aabaheed oo ku mashquulsan amarkii uu garaadku soo bixiyay.Isaga oo kala dooran kari la’ cadadkii neefka uu qalay. Gabadha ayaa aabaheed kula talisay inuu qaado hunguriga. Odaygii fajac ayay ku noqotay taladan ay u sheegtay waanu ku gacan saydhay balse markii ay mudo hadalkii ay isku celceliyeen wuu qaatay taladeeda, maadama uuna isagu talo kale ama go’aan kale aanu haynin.

Shirkii ayuu odaygii u dhaqaaqay, isaga oo sidda cadkii ay gabadhu u soo doortay. Wuxuu ugu tagay golahii shirka raggii amarka la siiyey oo mid walba cad soo qaaday mid walbana ka kale ka qarinayo cadka uu doorbiday. Waa la wada aamusnaa lana  is fiirinayay oo qof walba naftiisa la shawrsanaa. Wax yar ka dibna Garaadkii ayaa golahii soo galay, codsadayna in nin waliba daboolka ka qaado cadkuu sido. nin walbana daboolkuu ka rogay cad aad loo soo habeeyey. Ma bowdaa, ma garabbaa, ma sararbaa, cadba cadkuu ka gashin wanaagsanaa. Odaygii ayaa talo ku ciirtay, weelkiisiinna daboolka kamuu qaadin, Garaad Wiil-waal ayaa weydiiyey: oday adna maxaad soo qaaday? Meel uu ka noqdo ma joogee, wuxuu daboolka ka rogay hungurigii  Buuq iyo sawaxan ayaa golahii ka kacay oo rag badan ayaa u arkay in garaadkii meel ka dhac loo gaystay. Wiil-waal oo ahaa nin garasho badan ayaa wajiga odayga lablabaca ka muuqday ka fahmay in aanu odaygu talada keenin waydiiyayna, cida u soo doortay, odaygiina sidii wax u jireen ayuu ugu sheegay. Wiil-waal ayaa cabaar aamusnay kuna jawaabay Hal gabadh ayaa dhamaantiin idin dhaanta oo idinka aragti saraysa. Sababtu waxay tahay idin ma weydiinin inaad hilib ii keentaan, waxaan idin weydiiyey in nin walba keeno cadka rag walaaleeya. Ma gaajo iyo caydhnimo ayaad igu ogaydeen ama igu tuhmayseen? Hadalkayga guntada, oo xikmadayda dhagaha u fura; hungurigu waa cadka rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga.

Waxay ahayd kala wareegii sanadkii cusbaa 1991 markii aan telefishanka CNN ta ka maqlay in magaalada Muqdisho dhexdeeda ka bilaabmay dagaal lagaga soo hor jeedo kaligii taliye Mohamed Siyaad. Warkan markaan maqlayo waxa aan ku sugnaa guri uu daganaa oday profisor ka ah jaamacad dhaqalaha lagu barto oo aanu caruurtiisa asaxaab ahayn. Odayga ayaa arkay farxada badan ee uu igu soo kordhiyay warkan i soo gaadhay iyo rajada aan ka qabo inaan wadankii ku noqon doono haddii gacan ku dhiiglahaas la saaro. Intuu ii yeedhay ayuu yidhi kalay halkan agtayda fadhiiso, markaan fadhiistayna waxuu igu yidhi “inan yar baad tahay oo aan waayo arag ahayn waxan aad ku faraxsantahay ee maanta idiin bilaabmay waa dagaal; dagaalno sida loo bilaabaa way dhib yartahay waxse dhib badan sida loo joojiyo”. Wuxuu iiga sheekeeyay dhibaatooyin uu uga soo taagnaa dagaalkii labaad ee aduunka iyo dhibaatadii laga soo maray sidii kala danbaynta loogu soo celiyo wadamada Yurub markii Jarmalka la jabiyay iyagoo waliba taageero badan ka helayay Maraykanka mashruucii loo bixiyay Marshal Law.

Sanadihhii sagaashamaadka bilowgoodii waxa deegaanada Somaliya intooda badank u habsaday colaado wajiyo badan lahaa. Waxa loo hawl galay shirar nabad lagu raadinayay oo meelo kala duwan lagu qabtay, waqooyi iyo koonfurba. Shir beeleedyaddii Somaliland lagu qabtay intooda badani waxay noqdeen kuwo lagu guulaysto oo dhala midho nabadeed oo uu dalku ku nagaado. Halka shirarkii koonfurta Somalia ee ay inta badan beesha caalamku taakulaynaysay ay noqdeen kuwo aan midho wax ku ool ah dhalin. Mar aan la kulmay mid ka mid ah aqoonyahanaddii reer Somaliland ee ka qayb galay shir beeleedyadii dalka lagu xasiliyay ayaa waxa aan waydiiyay. Sida ay iyaga Somaliland ahaan ugu hir gashay inay heshiisiiyaan beelahii wada daganaa ee ay colaadu dhex martay, halka ay Muqdisho waxba u hirgali waayeen? Waxuu ku jawaabay Somaliland wakhtigaa waxba ma oolin dhul burburay oo abaar ah oo ay miino ka buuxdo ayay dhaxashay. Wax la kala jiidanayay iyo maskab muu oolin meesha, waxa qudha oo la is waydiinayay waar burburay oo dhimanay ee inteena hadhnay ma noolaanaa mise waynu dhimanaa? Arintani waa halka ugu hoosayse ee ay raggu ku gorgortami karaan heshiiskeeguna wuu dhib yaryahay. Muqdisho waxa yaalay hunguri la kala boobayay iyo maskab la isku haystay burbur hore iyo dhibaato waynina horay umay soo marin, wakhtigaas.

Sadexdan sheeko waxaad kala soo dhex bixi kartaa gundhigan:

  • “Hungurigu waa cadka rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga” Wiil-waal
  • “Dagaal sida loo bilaabaa way dhib yartahay waxse dhib badan sida loo joojiyo” prof. Dornburg.
  • “Burbur-naye sideen u wada noolaanaa haddii, uu raggu ka shirayo heshiisiintisu way dhib yartahay”. Prof. Mahamuud.

Hadaba inagoo ka tis qaadayna sadexdan xigmadood Muqdisho iyo Hargaysa halkee baa hunguri iyo maskab maanta la isku hayaa?, halkee se burbur iyo baaba’ka jiraa oo sideebaynu u wada noolaanaa lagu shawrayaa?. Maanta waxa aynu ognahay inta uu dhaqaalaha iyo miisaaniyada Somaliland ay sare u kacday. Sanadka 2013 miisaaniyada dawlada marka lagu daro ta dawladaha hoose iyo ta hay’adaha dawliga ah waxa ay ku dhawdahay 200 milyan, halka laga filayo beesha caalamkana lacag ka badan 200 M (isku geyn 400 M). “Nimco waliba nusqaanteed leh”ayay Soomalidu tidhaa. Hunguriga intaas leeg ee la kala jiidanayaa waaka sababay in maanta loo murmo si ka duwan siddii Somaliland u caadada ahayd. Hunguri kala jiidadka waxa dheer iyada oo 75% dadka maanta Somaliland ku dhaqani ay ka yaryahiin 25 jir, taas oo ka dhigaysa inay ku garaadaysteen nabadda, aqoona ayna u lahayn xanuunka colaada ayna dhayalsanayaan in nabadgalyadu ay si fudud ay faraha uga bixi karto. Waxa kale oo iyaguna xaalada cirka ku sii laalaya warbaahin u dhuratay in-xun-arag raadinaya oo xallad (sensation) u arka markay dhibaato sheegaan, halka ay warbaahinta Xamar ay ka daashay in-xun-sheega iyo colaadaha oo ay raadinayaan meel yar oo ay wax ka hir galeen ama wax la dhisay.

Maanta dadka reer Muqdisho 6 sano oo ay isaga danbeeyeen burburkii Xabashida iyo silicii ay wadaadaddu badeen waxay aad u rajaynayaan siddii ay u noolaan lahaayeen ee kuma mashquulsana cida kuraasta ku fadhiisanaysa, halka ay reer Somaliland ay ku mashquulsanyahiin cida Lughaya iyo Saylac dawladaha hoose uga soo baxday, iyadoon la ogayn kuwii ka horeeyay ee la doortay 2002 cida ay ahaayeen.

Gabagabaddii saadashayda sanadka 2013 ee Somaliland ma fiicna, balse waxaan rajaynayaa inay saadashaydu ay beenowdo oo ay dadka reer Somaliland ay gartaan inay ka ilbaxaan, qabiil iyo siyaasi hungurigiisa u socda.

Abdirahman Jama Adan (maandeeq2@yahoo.com)

Holland