Sanaag:Machadka Faafinta Islaamka oo Xafiis ka furtay Magaalada Ceerigaabo + SAWIRRO

Ceerigaabo, (SLpost)- Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawl gala Somaliland ayaa xafiis cusub ka furtay Magalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

.Xafladda furitaanka Xafiiska Cusub oo lagu qabtay Hotel Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo, waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Cali Cabdi Hurre, Wakiilka cusub ee Gobolka Sanaag Sheekh Cawil Faatax Shirre, Salaadiin, Cuqaal, Culimo, dhalinyaro iyo waxgaradka Gobolka Sanaag

.

Ugu horayn waxa xafladaas ka hadlay Wakiilka cusub ee Gobolka Sanaag Sheekh Cawil Faatax Shirre, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeedada loo furay xafiiskan cusub, “Machadkani waa Machadkan Islaami ah oo ka shaqeeya arimaha diinta, waxaanu xooga saaraa sidii jiilkeena yar-yar loo fahansiin lahaa diinteena, isla markaasna laga reebo wixii xun ee ay ka mid yihiin, tabriibka oo dhalinteenii hada ku dhammaatay oo ay haajirayaan, waalid caasiga, iyo is-qarxinta, sidoo kale Machadkan Faafinta Islaamku waxa uu Xafiisyo ku leeyahay Gobolada Somaliland, imikana halkan (Ceerigaabo) ayaanu ka furaynaa.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cawil.

.Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Ujeeda aanu halkan uga Furayno Machadka Faafinta Islaamku waxa weeye in Magalada Ceerigaabo ay la jaan qaado Magaalooyinkaas kale ee wacyi-gelinta Diinta Islaamka lagu samaynaayo oo xafiiskani qabto, waxasnan Maamulka, Madax dhaqameedka, Culimada iyo dadweynaha reer Ceerigaabo ka codsanayaa inay Diinta nagala shaqeeyaan oo ay gacan ku siisaan cid kasta oo diinta wadda.”

.Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo isaguna munaasibaddaas ka hadlaya ayaa tilmaamayey kaalinta macadkani ka geysto faafinta iyo habsami-ku dhaqanka diinta Islaamka, waxaanu yidhi, “Sheekhii Axmed Diidaa ee Machadkan Faafinta Islaamka aas-aasay waxa weyn ayuu qabtay oo waa’inagaa inaguna ka faa’idaysanayna dariiqii uu jeexay oo waataas wadankeenii ka wada fidinta Diinta. Markaas waxaan Machadka ka codsanayaa inay Magaalada keenaan xarumo kutubta lagu akhriyo, taas oo keeni doonta faa’ido weyn, waayo dhalinyaradaas suuqa joogta ee maanta u baahan goobo ay wax ku bartaan ayaa heli lahaa kudub ay ka bartaan diinteenana.” Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ka Maamul ahaan Machadkan waan soo dhawaynayaa, inuu Ceerigaabo ka hana qaadana waan xoojinaynaa, waana la shaqaynaynaa.”

.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Sanaag Sheekh Axmed Iidle Saleebaan,  Boqor Maxamed Axmed, Caaqil Maxamed Xasan, iyo Caaqil Jafaal, waxaanay dhammaantood carabka ku adkeeyeen in bulshadu u baahana tahay barashada Diinta Islaamka, sidoo kale waxa ay dad weynaha ugu baaqeen in Waalidiintu ubadkooda baraan Diinta, taas oo ay sheegeen in Jiilka yar-yar ee soo korayaa hadii ay Diinta ka dhisan yihiin inay noqdaan kuwo anfacooda, iyo tarbiyadooduba hagaagto.

...

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net