SANAAG: Maxkamad Xukun ku Ridday Taliye Boolis oo Tacaddi iyo sharciga oo uu baal-maray lagu eedeeyey

Ceerigaabo (SLpost)- Maxkamadda gobolka Sanaag, ayaa xukun sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku ridday Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolkaas Xasan Ismaaciil Yuusuf, kaasoo ku eedaysan inuu gacanta ula tegay Haweenay Uur leh, isla markaana markii Dacwaddiisu ka bilaabantay Maxkamadda uu hub la soo galay diidayna inuu dibedda ula baxo sida sharcigu dhigayo, sidoo kalane damcay inuu gudaha Maxkamadda ku dhex-dagaallamo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolkaas.

Maxkamadda gobolka SanaagQoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Aadan Jaamac Saleebaan, isla markaana uu kula saxeexnaa Kaaliyaha Maxkamadda gobolka Sanaag Khadar Saleebaan Shire, ayaa lagu faahfaahiyey xukunka lagu riday Taliyaha qaybta gobolka Sanaan, nuxurka eedda dacwaddiisa, qodobbada sharci ee uu jabiyey, sidoo kalena si jees-jees ah ugu tuntay Shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland u yaalla.

1AAD2AAD