SAMO-TALIS: Diiwaanka Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe – W/Q: Siciid M. Gahayr

Diiwaanka SAMO-TALIS: Taariikhda iyo Talo-nabadeedka Xaaji Cabdi-Waraabe, waa buug aan in muddo ah gacanta ku hayay, kana kooban toddoba cutub oo kala duwan, kaas oo haddii Alle idmo la daabici doono bisha soo socota ee Nov/2012, waxa aan jeclaystay in aan bahweynta akhriska u sii bandhigo qaybo ka mid ah buugga dhawaan soo bixi doona, anigoo kolba meel ka daymoon doona insha Allah. Wixii talo iyo tusaale ahna waxa la iigu soo diri karaa ciwaankayga hooseQormadan koowaadna waxa ay ku saabsan tahay dhalashada iyo barbaarinta Xaaji Cabdi Xuseen.

Xaaji Cabdi magaciisa oo dhammaystirani waa Cabdikariin Xuseen Yuusuf, naanaystiisa oo ah mid ku baxday dhacdo aynu gadaal ku xusi doonno, ahna mid dad badani u yaqaannaan, aadna uu ugu caan-baxay waa “Cabdi-Waraabe”. Hadda da’diisu waa 107 sano ugu dhawaan. Waxa uu ku dhashay laagta Jeexan ee ka shisheysa madaarka Hargeysa, oo magaceedana la yidhaahdo Uubaale. Xilliga uu Xaaji Cabdi dhashay ma uu dhisnayn madaarka diyaaraduhu, dhulka uu ku yaallo madaarka Hargeysina waxa loo yaqaannay “Masallaha”. Inkasta oo aan wax la qori jirin, oo aan si rasmi ah loo garan karin sannadka uu Xaaji Cabdi dhashay, haddana sannadka uu Xaajigu dhashay waxa uu ahaa mid caan ah, oo ku caan ah laba arrin labadaba, gu’ga uu Xaajigu dhashay waxa magaciisu ahaa ‘Caanaweyne”. Gu’gani waa mid caan ku ah guud ahaan bulshada Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaanna bulshada Somaliland,  uguna dambeeyay taariikhdii Xaaraama-Cune.

Sannadka uu dhashay Xaaji Cabdi waxa ay ugu dhawaan noqonayaa 1905kii. Sababta oo ah muu jirin qoraal lagu xafido dhalashadu, waxa uu se Xaaji Cabdi si sax u garanayaa xilligii Caaqilka uu noqday oo ahaa 1940kii markaas oo ay da’diisu ahay 35 sano jir. Marka la kala jaro 1940 iyo da’diisa oo ahayd 35 sano jir, waxa soo baxaya in uu dhashay 1905tii.

Xaaji Cabdikariin  hooyadii waxa la odhan jirey Qaayiba Faarax-Shabeel. Aabbihii Xuseen Yuusuf Aadan waxa la dilay isaga oo ay afartan-bixii uga hadheen 3 habeen, si kale haddii loo dhigo, Xaaji Cabdi aabbihii Xuseen Yuusuf waxa la dilay markii uu jiray 37 habeen oo kaliya, waxaana lagu dilay dagaal qabaliyad ku salaysnaa oo ka dhacay magaalada Hargeysa, siiba kob kaabiga u saaran Biriijka kowaad ee ku yaal badhtamaha Hargeysa oo u dhexeeyay qaar ka mid ah beelaha dega Hargeysa oo ah Ciidagale iyo Arab. Goorta uu dagaalkaasi dhacay, waxa jiray is-gaashaan-buureysi ka dhexeeyay Beelaha Arab iyo  Bilaal iyo Gobdoon Dhamal oo ah ardaa ka tirsan beesha Ciidagale. Beelaha Arab iyo Reer Gobdoon waxa ay ahaayeen xulafo la isku yidhaahdo “Huwan”. Waxa uu la dhashay afartan iyo toban carruur ah  oo ay walaalo yihiin, kuwaas oo inta badan yaraan ku xijaabtay. Marka laga reebo Isaga, Walaalkii Nuur Xuseen iyo Walaashii Faadumo Xuseen oo carruur ka tagay.

Xaaji Cabdi aabbihii waxa uu caaqil ku abtirsada mid ka mid ah qoysaska cuqaasha ee ugu cimriga dheer. Berigii hore waxa ay beeluhu lahaan jireen madax-dhaqameedyo leh magacyo kala geddisan sida Garaad, Suldaan, Boqor, Wabar, Imaam,Ugaas iyo Malaaq. Beesha uu Xaaji Cabdi ka soo jeedaa waxa ay lahayd Saldanad fac wayn oo illaa hadda jirta. Waxa uu Xaaji Cabdi ka warramay in ay jiri jireen guurti la talisa suldaanka, qofka ka tirsanna waxa la odhan jiray “Beel-daaje”. Beel-daajeyaashu waxa ay gorfayn jireen, kana doodi jireen arrimaha beesha la soo gudboonaada sida colaadda, nabadda iwm, iyaga oo soo saari jiray go’aan uu guddoomiyo suldaanku. Waxa uu xusay in nidaamka beeluhu ku dhisnaayeen wada-tashi, suldaankuna aanu keligii awood u lahayn in uu go’aan gaadho. Waxaana lagu maahmaahi jiray “Bahina waa xeertay, boqorna waa guddoomiyay”. Wixii ay guddigu soo go’aamiso ayuu Suldaanku tifatir ku samayn jiray, oo uu odhan jiray “Halkaas ayuu dalab ka leeyay”. Kolka warabka laga saarana sidaas ayay taladu meel-mar ku noqon jirtay.

Xaaji Cabdi oo aan weydiiyay kolka la sameeyay cuqaasha, waxa uu sheegay in cuqaasha la sameeyay markii ay dawladda ingiriisku dalka qabsatay, caaqilladii u horreeyay ee ay dawladda Ingiriisku magacawday ee ka mid ahaa beeshiisana waxa ka mid ahaa Caaqil Xaaji Maygaag  Cilmi (Ilka-dheere) iyo Caaqil Yuusuf Aadan oo ahaa Xaaji Cabdi awoowgii. Kolkii uu geeriyooday Xaaji Cabdi awoowgiina waxa xilkii caaqilnimada loo cumaamaday aabbihii Xuseen Yuusuf, oo madax-dhaqameednimada ka sokow ahaa ahaa hanad lagu hirto kuna dhiirran colaadaha, kana gaadhay derejada cid igu soo dara. Taariikh-yaqaannadu waxa ay ii xaqiijiyeen in beesha Xuseen Yuusuf dirirta ka maagi jirtay la’aantii. Hal-abuur xusayay diricnimada Xuseen Yuusuf ayaa tix ku yidhi:

“Xildhibaanku ways wada yaqaan, xuladka reeruuye

Imakana Xuseen Yuusufoo, xiimayaa imane”

La Soco…………

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com