Samir Nasri oo Muslimiinta caalamka ku hambalyeeyay Farxadda Ciidal-Fidriga

[S]PORTS – Kubbad-sameeyaha kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee Manchester City, Samir Nasri ayaa maanta isaga oo ku sugan badhtamaha Garoonka Etihad Stadium, waxa uu hambalyo ku aaddan Munaasibadda Ciidal-fidriga u diray Shucuubta Muslimiinta ah.
Kulan Xiiso badan oo Dhexmaray Kooxaha Man City iyo Southampton oo natiijadeedu ku dhammaatay 3-2 guushu ku raacday City, ayuu Nasri markii uu Gool Guusha u dhaliyey kooxdiisa, waxa uu la soo baxay funaanad ay ku qoron tahay ‘Eid Mubarak’ oo Micnaheedu yahay Ciid Wanaagsan.
Samir Nasri ayaa ka mid ah Xiddigaha Muslimka ah ee Xirfaddooda Kubaddu Cagta heerka Sare Marayso, isaga oo ka mid ah ciyaartoyga Muslimka ah ee ku jira Xulka Dalka Faransiiska.

Kooxdiisa Manchester City ayay kuwa joogaan dhowr ciyaartoy oo Muslim ah oo uu ka mid yahay Yaya Toure oo u dhashay dalka Ivory Coast, waana Ciyaartoyga Sawirkan kula jira ee farxaddiisa la dabbaal-degaya.

Samir Nasri ayaa asal ahaan ka soo jeeda mid ka mid ah dalalka Carabta ee ku yaala Woqooyiga Afrika.

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net