SALAXLEY: Musharax Bulshada ku Wacyigeliyay Qaadhashada Kaadhka Aqoonsiga iyo Codbixinta

Sallaxley(SLpost)-Dr.Maxamed Xassan Xaashi (Finad), oo ka mid ah murashaxiinta u taagan jagada murashaxnimada golaha baarlamaanka dalkan jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay socdaal ugu anbabaxay deegaanno hoos taga degmada Sallaxley, socdaalkaas oo uu ugu kuur galaayay xaaladda nololeed ee dadka deegaanadaasi ku dhaqan islamarkaasna uu ku wacyigelinayey qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo codbixinta.Finnad3

Socdaalkan oo ay murashaxa ku wehelinayeen odayaasha iyo cuqaasha deegaanku, ayaa waxay ugu horayn ka bilaabeen magaalada Dhimbil-riyaale, iyadoo markii ay halkaasi gaadheen weftiga uu hoggaaminayo murashaxu ay dadka deegaanka ah la hadleen isla markaana ay u sheegeen inay qaataan Kaadhka aqoonsiga iyo ka codbixintaba.

Odayaasha iyo wax-garadka magaalada Dhimbil-riyaale ayaa iyaguna si wayn usoo dhaweeyay weftiga uu hor-kacaayay murashax Maxamed Xassan Finad, iyagoona u sheegay weftiga inay u diyaar-garoobeen qaadashada kaadhahka codbixinta iyo aqoonsiga isla markaana ay diyaar u yihiin inay si weyn uga qayb-qaataan doorashada soo socota ee 2017ka.Finnad4 Finnad1

Weftigan oo socdaalkooda ku maray inta badan magaalooyinka hoos yimaadda degmada Sallaxley ayaa waxa kale oo ay sii mareen deegaanka balli-cas halkaas oo ay iyagana kala kulmeen soodhaweyn heerkeedu aad u sarreeyo.Finnad1

Deegaanada kale ee weftigu uu gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa magaalada Kaam-Tuug oo xuduudka Itoobiya iyo Somaliland ku taalla, halkaas oo uu Murashaxu dadka deegaanka Kaam-tuug kala hadlay meel fagaare ah isagoona dadka deegaanka ugu baaqay inay isku diyaariyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta iyo kuwa aqoonsiga ee jinsiyada, isla markaana ay qayb uga qaadan lahaayeen ololaha wacyi-gelinta ee diiwaangalinta madaniga iyo codbixintaba.

Ugudanbeyntii, murashaxa iyo weftigiisuba waxay soo gaadheen xarunta degmada Sallaxley, halkaas oo sidoo kale dadweynaha degamada ku wecyigaliyeen qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo kan codbixinta.Finnad2

Dhanka kale, weftigu ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee deegaanadaasi, iyagoo dadkii ay la kulmeen si fiican uga wareystay xaaladda guud ee deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Murashax Aqoonyahan/Dr.Maxamed Xassan Finad ayaa waxa uu socdaalkiisani noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, isagoona murashaxu ka mid ah murashaxiinta golaha baarlamaanka.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland