SALAL: Gobol Ka Arradan Dhamaan Adeegyad0a Bulshada iyo Dhismeyaasha Maamulka Dawladda – Weriye Axmed Macalin (Warbixin)

Gobolka Salal oo ka mid ahaa todobadii gobol ee uu magacaabay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir  Rayaale Kaahin iyo guud ahaanba deegaamadda hoos yimaada gobolkaasi ayaa ah mid xiligan la joogo ka duwan dhamaanba goboladda kale ee dalka.

Hadaba mar uu todobaadkii hore safar booqasha ah ku tagay wariye ka tirsan wargeyska Dawladda ee Dawan oo isagu doonayey in uu ogaado xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaankaasi gobolka Salal oo ah gobol aad u balaadhan baaxada dhul ahaan  magaalo madaxdiisuna ay   tahay magaaladda qadiimiga ah ee Saylac, isla markaana maamula ama ay hoos yimaadaan deegaamo badan oo isugu jira bad iyo berriba ayaanay hadana gebi ahaanba ka jirin dhamaanba adeegyadda aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka iyo sidoo kale wax astaan dawladnimo ah.

Magaaladda Saylac ee xarunta gobolka gobolka Salal ayaa iyadu ah mid ka aradan dhinaca maamulka dawladnimo, iyada oo aanay ka jirin xarumo ama xafiisyo ay ku shaqeeyaan laamaha hay’adaha kala duwan ee dawlada, marka laga reebo meelo dhawr oo ay ka mid yihiin xafiiska badhasaabka gobolka, waaxda wasaaradda maaliyadda, xarunta baanka iyo ka dawladda hoose, kuwaasi oo iyagna ku hawl gala dhismeyaal duug ah oo burburay oo ay dayacnaan xoog lihi ka muuqato.kuwaasi oo ah qaar aad u cidhiidhi ah oo aan ku filayn masuuliyiinta iyo shaqaalaha.

Sidoo kale dhamaanba laamaha kale ee waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaha dawladda ee magaaladda Saylac sida waaxda wasaaradda ganacsiga, waaxda diinta iyo awqaafta, waaxda cadaaladda iyo garsoorka iyo kuwa kale ayaa masuuliyiinta ka jooga hay’adaha dawladda ayaa iyagu  ay yihiin kuwo aan lahayn wax xarumo ama xafiisyo ah  oo ay ugu  shaqeeyaan bulshadda ay u adeegayaan, waxaanay taa bedelkeeda yihiin kuwo ku hawl gala maqaaxiyaha, baabuurta dushooda iyo geedaha hoostooda sidoo kale ma jiraan meelo ama goobo ay dhigtaan qalabka ay ku shaqeeyaan.

Arrinta  dhinaca baahiyaha iyo dayacmnaanta adeegyada bulshadda iyo kuwa maamulka ee ka jira gobolka Salal kuma koobna magaaladda Saylac oo keliya balse waxaaba la odhan karaa waxyaabaha qaar ayaa raadadkoodii ka muuqdaan marka la barbar dhigo magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee gobolkaasi, waxaana laga yaabaa in aanay degmooyinka gobolka Salal sida Xariirad, Habaas, Caasha Cado iyo kuwo kale aanay ka jirin gebi ahaanba adeegyo arrimo bulsho, isla markaana aanay ka muuqan wax raad dawladnimo ahi.

Waxyaabaha kale ee dhibaada ku ah bulshadda ku nool gobolka Salal ayaa waxa ka mid ah wadooyinka, iyada oo aanay jirin wadooyin laami ah ama kuwo kale oo si sahal ah loo mari karo, waxaana jirta  in dhamaanba wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaaladda Saylac ay yihiin kuwo Raf ah maadaama oo uu degaankaasi yahay mid xeeb ah, isla markaana buuralay u badan ayaa gebi ahaanba wadooyinka marka aad marto waxa aad dareemaysaa rafaad iyo dhib aad u weyn oo xataa khatar ku keenta gaadiidka mara.

Inkasta oo ay waxqabad kala duwan oo dhinacyo badan leh ku talaabsaday mudada ay xukunka dalka haysay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa hadana waxaa la odhan karaa gobolka Salal waxa uu u muuqdaa mid aanay haba yaraatee wax horumar ah ka fulinin dawladu, marka loo eego baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolkaasi. Su’aasha is-waydiinta mudan ayaa waxay tahay maxaa sababay in iyada oo xukuumadda hada taladda haysaa ku faanto in ay wax-qabad iyo horumar balaadhan ku talaabsatay ama ka hirgelisay guud ahaanba dalka nooca uu doonaba ha ahaadee, in hadana gobolka Salal oo ah mid qiimo weyn ugu fadhiya dawladda marka loo eego dhinaca dakhliga ka soo gala ay u suurto geli wayday ama aanay dawladu wax horumar ah ka fulin.

Iyada oo gobolka Salal uu ka mid yahay goboladda uu dakhliga aadka u badani ka soo galo xukuumadda dhexe ee Somaliland, isla markaana uu dakhligaasi ka yimaado dhinaca badda oo ay dekadaha kala duwan ee ku yaala ka soo degaan doonyo ganacsi oo sida shixnado iyo  baabuurta xamuulka ah ee ka yimaada dhinaca dalka Jabuuti ayaa hadana waxaa jirta in dakhli aad u badani sifo aan sharci ahayn uu kaga lumo xukuumadda, waxaana la sheegaa in baabuurta xamuulka ee ka yimaada dalka jabuuti iyo kuwa tegayaaba ay qaadaan alaabooyin bagaash ah oo ay si Koontarabaan ah ku geliyaan Jabuuti ama ku soo geliyaan dhinaca Somaliland.

Sidoo kale waxaa iyadna jirta in doonyo badan oo alaabooyin kala duwan  oo isugu jira Shiidaal, dhar, sigaar, Huundhaydh  iyo maciishado ka keena dalalka Yemen, isutaga imaaraadka carabta iyo wadamo kale in ay  si koontarabaan ah u soo geliyaan dalka, isla markaana ay taasi ku tahay dhabar jab iyo in uu dakhli aad u badan oo xukuumadda dhexe u soo xeroon lahaa uu halkaasi kaga lumo. Waxaana arrintaasi sabab u ah in aanay dawladdu awooda saarin gobolka Salal  dhinac maamul iyo mid wax qabadba in ay hanaan dawladnimo oo taam ah ka hirgeliso.

Magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal oo ah magaalo qadiimi ah, isla markaana ay ku yaalaan waxyaabo badan oo taariikhi ah oo ay ka dhiseen dadyaw dhawr qarni ka hor deganaan jiray magaaladdaasi sida masaajidka caanka ah ee loo yaqaano Qiblataynka oo ay dhiseen dad asal ahaan ka soo jeeday dalka Turkiga iyo sidoo kale jasiiraddo aad u qurux badan, ayaa haddii si wanagnsan looga shaqeeyo oo si fiican loo dhiso loona dayac tiro meelahaasi qadiimiga ah iyo dhulka kale ee quruxda  badan waxay noqon lahaayeen kuwo soo jiita dadka ajnabiga ah oo u soo dalxiis tegi lahaa.waxaana hubaal ah in uu dalka iyo dawladdaba ka soo geli lahaa dhaqaale aad u badan.

Sidoo kale magaaladda Saylac oo ah magaalo istaraatiji ah xuduudo bad iyo beriba lehna la wadaagta dalalka aynu jaarka nahay sida Jabuuti, Itoobiya iyo Yemen ayaa haddii si fiican loo maamulo dhaqaalaha iyo dakhliga badan ee ka soo gala cashuuraha ay ka qaadaan ganacsatadda, gaadiidka iyo dadkaba lana xakameeyo dhaqaalaha aadka u badan ee ku luma koontarabaanka iyo musuqmaasuqa in ay wax lagaga qaban karo horumarka gobolka iyo ka deegaankaba , isla markaana lagaga bixi karo dhibaatooyinka dhinaca maamulka, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada aasaasiga ah ee bulshadda iyo waxyaabaha kale ee ka maqan magaaladaasi.

Sekow dayacnaanta dhinaca dhismeyaasha dawladda iyo adeegyadda bulshadda ee aan ka jirin magaaladda Saylac iyo dhamaanba deegaamadda gobolka Salal, arrinta kale ee xusida mudan waxay tahay in kala qaybsanaan iyo colaad hulaaqday ay ka dhex jirto bulshadda ku dhaqan deegaamadda gobolkaasi, iyada oo marka aad dhex gasho dadka aad dareemayso in ay jirto kala qoqobnaan iyo colaad ay isku qabaan beelaha halkaasi wada dega, kuwaasi oo aanu dhinacna dhinaca kale u talaabi karin kana dhex shaqaysan karin, isla markaana aanay dadku si xor ah isugu socon ama aanay u tegin deegaamo aan ahayn kuwa ay iyagu leeyihiin.

Waxyaabaha kale ee sababay burbursanaanta maamul iyo dhaqaale xumo ee ka jirta magaaladda Saylac ayaa waxa ka mid ah iyada oo ay magaaladaasi ku taalo gobol soohdimo la wadaaga ama ay ka dhexeeyaan dhawr dal in lacago kala duwan laga isticmaalo magaaladaasi sida lacagta Shillinka Somaliland, birta Itoobiya iyo lacagta dalka Jabuuti laga isticmaalo ee loo yaqaano faranka.

Guddoomiye ku xigeenka  gobolka Salal C/qaadir Aadan ayaa isna dhiniciisa waydiinay maamul ahaan waxyaabaha ugu muhiimsan ee u qabsoomay mudadda uu xilka hayay, waxaanu sheegay inkasta oo uu muddo aad u yar xilka hayay in ay hadana u suurto galeen mashaariic kala duwan oo hada ka socda magaaladda Saylac, kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca biyo gelinta oo gebagebo ku dhaw iyo sidoo kale mashruuca horumarinta degmooyinka ee loo yaqaano GPLG-ga.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mudaddda aan xilka hayay waa muddo yar oo kooban oo ku dhaw bil iyo dhawr maalmood, mudadaasi yar ee aan joogay waxaa noo suurto galay in ay mashaariic badani noo fulaan, waxaana imika noo socda biyo gelintii magaaladda Saylac, anaga oo rejaynayna in ay dhawaan magaaladda Saylac biyo yeelato oo ay dadku guryaha qasabado gashadaan, waxaa kale oo iyagna noo socda mashruuca GPLG-ga ee dawladaha hoose oo isna dhawaan lagu daray magaaladda Saylac, kaasi oo aanu filayno in meelo badan loogu dhiso magaaladda Saylac”.

Waxa kale oo uu sheegay in dhibaatadda ugu weyn ee ka jirta magaaladda Saylac ay tahay dhinaca wadooyinka gaar ahaana jidka laga galo kastamka cashuuraha ee ku yaala magaaladaasi, iyada oo ay burbursan yihiin dhamaanba wadooyinka magaaladda dhex mari jiray.”Dhibta ugu badan ee na haysataa waxa weeyi magaaladdu waa magaalo kastam wax lagu cashuuro leh, waa magaallo kalluumaysato badan leh, isla markaana ay ku yaalaan goobo kalluunka lagu iibiyo, markaa kastamkaasi halkii ay baabuurtu u soo maraysay ayaa waxay tahay jidka ugu dhibta badan aadna u burbursan oo markasta oo la marro hoos u degaya, waxaanan rejaynayaa in aanu jidkaasi mashruuca GPLG-ga uga faa’iidaysano oo aanu dhisno, baabuurtuna ay helaan meel ay kastamka u soo maraan, xagga waxbarashadda kor ayay u kacday oo waxaa furan dhamaanba dugsiyadii waxbarashadda, xagga kalluumaysiga haddii aan ka hadlo waxaa aad kor ugu kacay kalluumaysiga dadka deegaanka, gaar ahaana mudada ay xilka haysay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dib markii laga joojiyay baddaha Somaliland maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysan jiray baddaha, markaa imika horumar balaadhan ayaa laga gaadhay xagga kalluunka haddii ay tahay cunistiisa,  ka ganacsiga iyo isticmaalkiisaba, taasina waxaa sare u qaaday markii laga joojiyay baddaha Somaliland maraakiibtii shisheeye ee kalluumaysiga sharci daradda ah ku hayay baddaha” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenku.

C/qaadir Aadan waxa kale oo aanu wax ka waydiinay xaaladda nabadgeliyo ee gobolkaasi gaar ahaana magaaladda Saylac iyo in ay deegaanka gobolka Salal ka jiraan arrimaha bulshadda ee aasaasiga ah, waxaanu yidhi “Xagga nabadgeliyadda gobolka nabadgeliyadiisu aad ayay wanaagsan tahay, waana gobol amaan ah, iyada oo ay magaaladdan Saylac xiliga xagaaga ah yimaadaan dad aad u badan oo ka soo xagaa baxa dhinaca dalka Jabuuti, hadana haddii aad eegto saldhigyadda ma jiro qof keliya oo ku xidhan, dadkuna waa dad amaan ah oo nabada jecel waxaan odhan karaa waa gobol aad iyo aad amaankiisu u wanaagsan yahay. Dhinaca adeegyadda aas aasiga ah ee gobolka Salal sidii ay horeba u balan qaaday xukuumadu in ay dadku helaan adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarashada Caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha kaleba”.