Salaadiinta Somaliland oo ka Markhaati-kacay Wax-qabadka Wasiirka Caafimaadka

Hargeysa (SLpost)- Madax dhaqameedka Somaliland qaarkood, ayaa si balaadhan u bogaadiyey waxqabadka Wasaaradda Caafimaadku ka hirgelisay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyo kaalinta uu Wasiirka caafimaadku ka qaatay maamul-daadejinta Gobolada Bari ee dalka.

Madax-dhaqameedka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay wasiirka Caafimaadka Somaliland ku tilmaameen inuu yahay masuulkii ugu wax-qabadka badnaa ee soo maray Wasaaraddaas, waxaanay ku baaqeen in la kala saaro wax-qabadka horumarinta adeegyada bulshada iyo loolanka siyaasadda.

HALKAN KA DAAWO.