Salaadiinta Hargeysa oo ka jawaabay Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland

“Waxa la innagu soo qaaday Duullaan oo waxa la doonayaa in Damiirkeena la dilo” – Taliyaha Booliska Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus magaalada Hargeysa ayaa bogaadiyey hawl-gallada Ciidammada booliska ee la dagaalanka maandooriyeyaasha oo faro-baas ku haya bulshada dalka.

Salaadiin maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ku hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiisha kale ee dedaalka ugu jira inay dalka ka xakameeyaan Maandooriyeyaasha Khamriga iyo xashiishadda oo dalka kasoo gala dhinaca xuduudka Ethiopia.

Waxa ay salaadiintani soo dhaweeyeen hawlgalka ay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen shixnad badan oo Khamri ah oo lagu soo qariyey Jawaannada Jaadka oo uu shalay soo bandhigay taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Salaadiintu waxay Booliska u soo jeediyeen inay halkaas ka sii wadaan dedaalkooda oo ay dagaal ba’an la galaan maandooriyeyaasha la soo geliyo dalka oo halis ku haya dhalinyarada iyo guud ahaan bulshoweynta Somaliland.

Muuqaalkan kaga bogo Hadallada Salaadiinta oo maanta si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Hargeysa

In kasta oo ciidammada Booliska Somaliland si joogto u soo bandhigaan Khamri, Xashiishad iyo Dadkii sitay oo ay ku soo qab-qabtaan hawl-gallada la-dagaalanka maandooriyeyaasha ee ay ciidammadu ka sameeyaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, haddana waa markii u horeysay ee madax-dhaqameedka Hargeysa ay sidan oo kale uga hadlaan, kuna hambalyeeyaan Ciidanka Booliska gacan ku-dhigista Maandooriyaha Khamriga ee Ciidanku shalay soo bandhigay.

Haseyeeshee, Khamriga Ciidanka Boolisku qabteen ee la soo bandhigay shalay ayaa ka duwanaa farsamooyinkii hore ee sida qarsoodiga ah loogu soo gelin jiray diray. Khamrigan, ayaa lagu soo dhex-qariyey Jawaannada Qaadka laga keeno Ethiopia oo ah badeecad ganacsi oo dhaqaalihiisa ay ku tiirsan yihiin Shacab tiro badan iyo Dawladda oo cashuur uga soo xerooto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo shalay ka hadlay Khamri tiro badan oo lagu soo dhex-qariyey Jawaannada Qaadka oo Ciidammadu gacan ku soo dhigaan iyo Laaluus kumanaan dollar ah oo Ciidanka lagu baayacay, ayaa sheegay in umadda Somaliland damiirkooda iyo caqiidadooda lagu soo duullay si loogala dagaalamo horumarka bulshada, Diinta Islaamka iyo mustaqbalka dhalinyarada.

Waxa uu taliyuhu ka digay tabo iyo xeelado cusub oo maandooriyeyaasha si qarsoodi loogu gelinayo dalka, kuwaas oo uu sheegay inay Ciidan Boolis ahaan ka war-qabaan, gacan bir ahna ku qaban doonaan cid kasta oo ku lug leh ka-ganacsiga iyo soo-waaridista maandooriyaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net