Sahra Halgan oo soo Saartay Hees Cusub oo Xikmad iyo Ujeeddo durugsan xambaarsan

sahra halganHARGEYSA (SLpost)- Fannaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Halgan) oo xilligan ah Mulkiilaha iyo Guddoomiyaha HIDDO-DHOWR oo ah Xarun ururisa Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida, kuna taala magaalada Hargeysa, ayaa soo saartay Heeso Cusub iyo qaar ay hore u qaadday, kuwaas oo ay ugu talo-gashay munaasibaddii Ciidal-Fidriga oo Xarunta Dhaqanku kaga qayb-qaadanayso dhiirrigelinta Suugaanta Soomaalida.

Heestan oo Fannaanaddu sheegtay inay xambaarsan tahay Ujeeddo cid gaar ah duraysa, ayaa laga dareemi karaa inay la hadlayso Qof ay taageero iyo garab siiyey oo si gaar ah ugu takri iyo camal-falay dan guud oo ka dhaxaysay, talooyin iyo wax-sheegna ay kala daashay oo dhegaha ka furaystay.

Midhaha Heesta, ayaa ku bilaabmaya sidan:-

Dhibta Anigoo kula wadaaga,

Dhaliishiyo Eedahaaga,

Dheeftuna Gaar kuu ahaatay,

Digniinta Dhambaaladaydu,

Aday Dhiif kuu ahaatoo,

Dhaqaaqa haddaan ku waansho

 

Markaad I dhegaysan weyday,

Dheel-dheel talo kaa Ahaatay

Duruuso ku dhaafaybay

Ayaamuhu kuu dhigeene…………

HALKAN KA DAAWO HEESTA OO DHAMMAYSTIRAN