Safiirka Turkiga u Qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Oo Booqasho Afar Maalmood ah ku yimid dalka

“Waxaan u socdaa sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya”

Hargeysa (SLpost)- Safiirka Turkiga u fadhiya Somaliland/Soomaaliya Cemalettin Kanu iyo wefti uu Hoggaaminayo oo Ganacsato ah ayaa socdaal shaqo oo qaadan doona muddo afar maalmood ah ku yimid Somaliland, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Safiirka Turkiga oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay inay la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal. Waxa kale oo uu tilmaamay inuu u socdo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ee dalkiisu marti-gelinayay.

safiirka Turkiga 2

“Waxa ka mid ah ujeedada socdaalkayga sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, inkasta oo ay jirraan mawduucyo siyaasiya haddana waxaan rajaynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan,”ayuu yidhi Danjiraha Turkigu.

Safiirku waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa Somaliland, waxaanu xusay in wadankiisu kala shaqayn doono horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqaalaha.

“Waxa maanta inoo yimid Safiirka Turkiga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka yimid dalka Itoobiya, ujeedada socdaalkooduna waxa uu la xidhiidhaa sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo ka mid ahaa Wasiirradii soo dhaweeyay weftigaasi.
safiirka Turkiga
Weftiga ka socda dalka Turkiga waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirrada Qorshaynta,Beeraha iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, mudada afarta maalmood ah ee ay ku sugan yihiin Somaliland waxay booqan doonaan qaar ka mid ah magaalooyinka dalka oo ay u kuur-galayaan xarakaadka ganacsiga.

Waxa kale oo lagu wadaa inay kulan la yeeshaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Somalilandpost.net

Hargaysa