Safiirka Masar Ee Jabuuti Oo Hargeysa Soo Gaadhay Kulana La Qaatay Wasiirada Dibada iyo Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalmiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda mudane Axmed Ismacil Adan

ay la kulmeen Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Masaru u ku leeyahay dalka Djabouti Mr.Maxamed Al Amiid oo booqasho shaqo ku jooga dalka.

11994332_900295256684838_1832064471_n

Kulanka oo lagaga wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal iyo tababarada gaarka loo siiyo shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland dhinacyada Dibluumaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah iyo sidii loo diri lahaa dalka Masar shaqaale ka socota waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda si ay tababro uga soo qaataan Xarunta Tababarada Diblumaasiyiinta ee Dalka Masar.

Waxaa laga wada hadlay oo kale booqasho uu dhawaan ku tagi doono dalkaasi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo u diyaar garowga booqashadaasi, waxaa kalo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Maxamed Biixi Yoonis ugu mahad naqay dalka iyo xukuumada Masar kaalinta weyn ee ay ka geystaan dhinaca kaalamaha Caafimaad iyo wax barasho ee ay Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Wax barashada ay u fidiyaan wuxuuna si gaar ah ugu mahad naqay wafdi dhakhaatir ah oo aad u balaadhan oo dalka soo gaadhi doona maalinta barito oo ay la socdaan daawinkii iyo qalabkii ay kaga hawlgalayaan dhakhtarka weyn ee Hargeisa oo ay ku bixin doonaan gargaar caafimaad iyo qaliino isku jira oo bilaash ah oo socon doonta muddo 15 maalmood iskaashigaasi oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland door weyn ku lahayd iyada oo ay kaashaneyso Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan manta waxaa ka horeeyay kulan uu Safiirku la yeeshay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Xaglatooosiye oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga caafimaadka ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa mustaqbalka dhaw iyo tababaro loo fidinayo hawl wadeenada bahda caafimaadka ee Wasaaradda .