Xukuumada Ethiopia Oo Sheegtay In Raysal Wasaare Melez Xaaladiisa Caafimaad Fiicantahay

Washinton (SLpost)- Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Mareykanka, Ambassador Girma Birru, ayaa sheegay in caafimaadka Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, uu fiican yahay, islamarkaana uu degdeg dib ugu soo noqon doono shaqadiisii.

Isagoo la hadlayey Selam Radio, Girma wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay howlihii si caadi ah u waddo oo aanay jirin meel madhan oo ka dhalatay maqnaashaha Meles.

Ambassador Girma ayaa tilmaamay in xisbiga EPRDF uu isna u gudanayo waajibaadkiisi shaqo sidii la filayey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Warbaahinta gudaha Itoobiya ee taageera dowladda ayaa toddobaadkan qoray warar is-khilaafsan. Warbaahinta qaar ayaa qoray inuu dalka dib ugu soo noqday Ra’isulwasaare Meles, halka kuwo kalena ay qoreen in loo sii qaaday dalka Mareykanka oo uu halkaa ku nasanayo.

Ambassador Girma ayaa sheegay in Meles ay dhakhaatiirta kula taliyeen inuu fasax ka qaato shaqada, sidaasi darteedna uu haatan nasasho ku jiro, inkasta oo aanu sheegin halka uu ku nasanayo iyo inta ay socon doonto nasashadan

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMAILAND