Safiir Ingiriis ah oo ka qayb-galay gunaanadka bandhigga buugaagta Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo lixdii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Hargeysa, ayaa xalay la soo gunaanaday.

Ka hor intii aan xalay la soo gebogebayn, waxa shalay munaasibaddii lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha ee Hargeysa ka qayb-galay wufuud ka socota golayaasha qaranka Somaliland, dawladda Ingiriiska, abwaanno, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo tiro badan. Safiirka dawladda ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Matt Baugh iyo xubno uu hoggaaminayo oo ka qayb-galay munaasibaddaas, ayaa halkaa ka jeediyay hadal nuxurkiisu ahaa siyaasadda dawladdiisa ee la xidhiidha Somaliland. “Ingiriisku aad ayuu ugu faraxsan yahay oo qiimo weyn ayuu ugu fadhiyaa xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, isla markaana dadka reer Somaliland ee ku nool Ingiriisku waxay ka mid yihiin dadka ugu degan ee ugu macquulsan, qaybaha kala duwan ee dadka Ingiriiska iyo dadka Somaliland si wayn ayey uga dhexmuuqdaan oo ay uga qaybqaataan.” Ayuu yidhi safiirku.

Mar uu safiirku ka hadlayay aragtida dawladdiisa ee arrimaha dhaqanka oo ah waxyaabaha inta badan ay u heellan yihiin ururrada sanad walba qaban-qaabiya bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ee REDSEA CULTURAL FOUNDATION iyo mataankiisa KAYD, “Taageerada aanu siino Somaliland qaybo badan ayey u qaybsamaan, qaybta dhaqankana aad ayaanu xoog u saari doonaa, iyada oo ay noola  socdaan qaybta Siyaasada iyo qaybta Samafalkuna.” Ayuu yidhi, waxaanu ballan-qaaday inay sii wadi doonaan, isaga oo xusay in ay dhawaan xafiis dawladdiisu ka furan doonto Somaliland.

Intaa ka dib, Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka mid ah maamulayaasha bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa safiirka guddoonsiisay hadyad-dhaqameed ay ugu talo-galeen iyo sidoo kale calanka Somaliland oo uu safiirku guddoomay.

Dhinaca kale, munaasibad lagu soo bandhigay riwaayaddii gunaanadka u ahayd bandhigga buugaagta Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka socota dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo dawladduba, waxa ka hadlay Jaamac Muuse Jaamac oo ah agaasimaha ururka dhaqanka iyo suugaanta ee REDSEA CULTURAL FOUNDATION, waxaanu u mahad-naqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay bandhigga buugaagta iyo maktabadda wareegta oo ka sii horraysay.

Jaamac Muuse wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo sidii magaalooyinku ay yeelan lahaayeen maktabado guud oo dadku wada leeyahay, “Waxaan doonayaa in aan idiin sheego laba magaalo iyo tuulo ka dheereeyay magaalooyinka kale ee Somaliland oo dhan intii aanu wadnay buugaagta geeddiga ah, kuwaas oo kala ah Sheekh, Burco iyo tuulada Yufle.” ayuu yidhi Jaamac. Waxaanu sheegay in deegaannadaasi ay maamulkoodu bixiyeen dhismayaal iyo dhul loogu talo-galay inay noqdaan maktabado guud oo wax lagu akhristo. Jaamac waxa uu magaalooyinka maamulladooda oo ay ugu horrayso magaalada Hargeysa ku booriyay in ay ku daydaan.

Gunaanadkii waxa halkaa lagu soo bandhigay riwaayad macnayaal badan huwanayd oo uu halabuuray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

XUQUUQDA SAWIRADA: MARY HARPER