Safarkaygii Magaalo Xeebeedda Berbera – W/Q: Aadan Yuusuf

Safarkayga intii aan ku jirey , waxaanu ku kulanay  madaarka Addis Ababa Boli International Airport , oo waqtigaasi aanu diyaaradii  2aad ka soo raacnay wasiirka qorshaynta Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire  iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta Biyaha Iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo iyagu safaro ugu maqnaa wadamo afrika.

Waxaan ka dhul bilaabay safarkaygii Somalland magaalada Berbera  , war badan iguma seeganayn,  xagga cimilada ayaa xilligan waxaa lagu jiray xiligii qaboobaha ahayd, oo dadka reer Berbera ay magaalada ku negaan jireen.

Madaarka Berbera

Waqtigii kan iiga horeeyey 2005tii,  kolkii ay diyaaraddu soo cagga dhigatay berigaa dhabaha diyaaradaha ,  waxaa is garab yaacaayey gawaadhi ay leeyihiin shirkadaha diyaaraduhu si ay u kala qaybiyaan rakaabka iyo kuwa kale oo gaarka loo leeyahay.

Mudadaasi marka aad banaanka u soo baxdid , ka sokow holoca wajiga kaa leefaya ayaad haddana waxaad dareemaysay,  kala daadsanaan iyo maamul xumi dhinaca xagga maaraynta howlaha garoonka, mararka qaarkood maad kala fahmi Kari- jirin shaqaalaha diyaaradda iyo kooxo kale oo iyana isaga soo foof- tegi-jirey madaarka oo risaaqadooda ka raadsada, waxaa iyana xiligaa is dhex yaacsanaa shaqaalaha diyaaradda oo aad moodaysay inaysan shaqadoodu u kala calaamadsanayn.

Maanta 2012 waxkastaa way ka duwanyihiin sidii waayadaasi garoonku ku sugnaa, isbedel weyn ayaan ku arkay, inkastoo weli qabyo yaryar jiraan.

Berbera waa meesha ugu weyn ee rakaabka diyaaradaha gobolada lagu kala qaybiyo, madaama uu xidhanyahay garoonkii caasimada hargeysa , runtii waa wax aad loo soo dhaweeyo sida dhismaha garoonka caalamiga ah berbera loo wanaajiyey , shaqaalaha ayaa waxay leeyihiin direys lagu garto sida qaybta socdaalka , customka iyo maaliyada .

Gudaha hoolka waxaana aad ka dhex-heli kartaa inta howshaadu socoto, meel aad kaga gabato hanfiga iyo kulaylka caanka ay ku tahay magaaladan Berbera , siiba xiliga xagaaga ee ay kulushahay, waxaana inta badan markii hore arintaasi raad reeb weyn ku reebi jirtay  gaar ahaan caruurta qurbaha ku dhashay oo aan wax sawir ah ka haysan dhulkooda hooyo mudada ay suganayihiin madaarka.

    Waxaa iyada isbedel weyn lagu sameeyey dhinaca amaanka oo waqtigaasi qof soo raacaya rakaabka dhoofaya iyo ka soo degaya , oo labaduba diyaarada afkeeda aan la celi-jirin , madaama waqtigan ay diyaarada ethiopian airlines ay ka sameyso dulimaadyo todaable ah , ayaa waxaa maanta geli kara keliya qof dhoofaya iyo mid soo degaya oo keliya, taasi oo ah talaabo dhinaca amniga ah oo loo baahnaa waayo hore. .

Dekada Berbera 

Maamulka Dekada Berbera ayaa ku soo kordhiyey Dekada Berbera qalab farabadan, kuwaas oo isagu jira Wiishash iyo liftaro, ay Dekadu leedahay siiba qalab casriya oo dhawaan loo soo iibiyay Dekeda sida kalmar Container Reach Stacker oo 45ton oo aan nasiib u helay inaan la kulmo waqtigii uu isku xidhaayey engineer ay u soo direen shirkaddii Kalmar ee laga iibsaday  ,isla saacado ka dib waxaa dhamaan waa laysku wada rakibay ,tijaabana lagu sameeyey, iyadoo ka dhacday  Barxada Dekada,.

Waqtigan waxa bilaabmay xilligii shaqada ee dekedda , waxaa laga baxay xagaagii, isla-markaana waxaa bilaabmay bad furankii, markaa badeecado ayaa lagu rogayay siiba qalabkan, waxayna wax wayn ka tareen howlaha rogista iyo rarista ee dekedda ka socotay.

Dadka aqoonta badan u leh hawlaha Dekada  ayaa ii sheegay, in ay marayso xilligii ugu wanaagsanaa Dhinaca Qalabka iyo  dhaqdhaqaaqeeduba Ganacsigaba, qofkastaana uu qiraayo waxqabadkaa balaadhan, ee Mareeyaha oo kaashanaya ku-xigeenkiisa iyo weliba Shaqaalo- weynaha Dekada waxaa uu suurta Galay in ay Waxbadan ka qabtaan Horumarinta Adeega Dekadu ay Bixiso.

Waxa kale oo la dhisay Barxad aad u balaadhan oo ku taala dhinaca dibada, ama afaafkii dekaddii dhexe ee doonyaha oo iyana la dhigo Gaadiidka Cusub ee Dekada ka soo Dega, kuwaas oo markii hore saxmad iyo cidhiidhi badan ku keeni jirey Gudaha Dekada ee la dhigo Badeecadaha, kana Dhoofaan Xoolaha aadka u tirada badan.

Magaalada gudaheeda 

Waxaa iyadana jirtay roob ka da,ay sida lay sheegay  bishii hore dabayaqadeedii magaalo Xeebeedka Berbera , kaasi oo ahaa mid quwad badan, oo dad u badan danyar khasaare laxaadleh  soo gaadhsiiyey ,isla-markaana magaalada ka dhigay mid aan habayaratee wax laydha lahayn , marka laga reebo dekadda weyn oo iyadu isticmaasha mid ay gaar u leedahay.

Danyarta khasaarahu ka soo gaadhay waqtigaasi , ayaa intii lagu jiray robabka waxaa ay ugu deeqday si ku meel-gaadh ahaan haayada bisha cas ee magaaladu teendhooyin qiyaas ahaan 24xabo , sida uu ii sheegay mid ka midda shaqaalaha hayadaasi .

Waxay ila noqotay inaan waqti siiyo oo aan soo marmaro magaalada oo aan muddo badan moogaanaa , inta aanan ka amba bixin, Berbera oo iyadu meelaha ugu caansan xagga ganacsiga mandaqada geeska afrika.

Marka aad fiirisid magaalada waxaa kaaga muuqanaya dhismayaal quruxbadan jadiida iyo bilic xooggan,runtiina wadooyin cusub ayaa magaalada laga dhex sameeyey oo d/hoose hormood ka tahay,  waxaa iyadana la unkay xaafadu cusub oo ku soo kordhay magaalada , waxaadna moodaa guud ahaan magaalada mid si weyn isu bedeshay lana kowsatay isbedelkii Xukuumada Kulmiye sida ay ii sheegeen dadka gobolku.

Qaybaha kale ayaan ku eegi doonaa , waxyaalaha aan magaalada berbera ku arkay iyo anigoo u kuurgalay.

safarkayga ayaa waxay ila noqotay inaan dhulka ku safro oo aan dhex qaado magaalooyinka si aan u aragno qaab nololeedka iyo sida xaalka guud ee dad-weynuhu yahay.

Waxaan bilaabay inaan ku safro baabuur aan kaga baxay magaalada Berbera  ilaa caasimada G/togdheer ee Burco.

La soco qaybta dambe iyo aragtidayda magaalada Berbera.

iyo sawiro badan

Qallinkii Adan yusuf Elmi

Berbera S/land Tel .4244320

adanyusuf@hotmail.com