Safarka Wasiirka Maaliyadda ee Tog-Wajaale Waa Dhaqaale Raadis Dhuumashada Dhabarku Muuqdo

Runtii bulshada Degmada Tog wajaale way ka kortay hadalo mac macaan oo fagaare laga jeediyo waxay wali xasuustaan oo maskaxdooda ka sii guuxaya hadaladii Sh.cabdicasiis ee wakhtigii Kaanbaynka lagu jiray ee uu ka jeediyay khayriyada wajaale oo ay ka mid ahaayeen “ Halkani Saw Garoonkii Maaha iyo qaar kale oo badan” . runtii halkani waa garoonkii oo muran kama taagna balse maxaa u soo kordhay garoonkii intii Xukuumadan aad ka mid tahay ay jootay , aan mid mid u soo qaato adeegyada bulshada 1-dhinaca Waxbarashada Degmada wajaale waxay ugu liidatay dhinaca wax barashada labadii sano ee u danbeeyay taas oo ay daliil u tahay darajada Imitixaanka Dugsiga Sare ee sanadkan heerkii ugu hooseeyey ku baasay darajada  -D , taasi oo muujinaysa tayada waxbarasho ee degmada Safarkiiniina kumuu salaysnahayn u kuur galka iyo xalinta dugsigaasi oo buuq badani ka jiray labadii cisho ee u danbaysay sidii loo qancin lahaa waalidiinta ubadkaasi .

2- dhinaca biyaha wax ceelal ah oo u soo kordhay ma jiraan balse balaygii ugu waynaa ee ay magaaladu ka cabi jirtay wuxuu noqday qashin qubka iyo suuliyada Kastamka Wajaale waxaana wax laga murugoodo ah in haayadii u balaadhnayd Dakhli ururinta ee wasaaradaada hoos timaada aanu ka jirin adeega Suuliyada iyadoo lagu qiyaaso in yahay Kastamka ugu musuq maasuqa badan S/land balse la aaminsan yahay sababta wax looga qaban laayahay in aad wasiir ahaan ku naas nuujiso dad gaar ah adigoo khudbadii jimcahana noogu soo daray in ay bulshadu isa saamaxdo isla markaana loo sinaado khayraadka dalka .

3- dhinaca adeega Caafimaadka labadii sano ee u danbeeyay wax ku soo kordhay ma jiro Mchkii yaraa ee aan awalba ku filnayn baahida bulshada ee dhinaca caafimaadka balse sanadkii u danbeeyayba uu muran ka taagnaa dhinac dhulka Mchku ku yaalo oo maamulka degmadu uu wado u dagta ku sito dusha ka saarayey .

4- dhinaca faya-dhawrka magaaladu wuxuu ku jiraa heerkii ugu liitay abid magaalada waxaa ka jiray hal gaadhi oo qashinka lagu qaadi jiray oo lix sano ka hor ay dagmada Gabiley ugu deeqday isla markaan dayactir la,aan uu u fadhiistay iyadoo bishii u danabaysay wax qashin ah laga qaadin magaalada taasina ay halis ku keeni karto caafimaadka bulshada waxaa wax lala yaabo noqotay in Maayarka iyo Xoghayaha degmadu ay iibsadaan mudadii ay joogeen gaadiidka raaxada oo qaali ah halkaasi oo ay ku tamash leeyaan afar cisho oo ka mid ah todobaadkii maalmahan oo loogu magac daray “ Goodir Days “ oo macnaheedu yahay maalmaha hargaysa iyo xaasaskii iyadoo maalmahaa ay maqan yihiin aan la garan Karin cid maamusha magaalada marka laga reebo hayadaha Nabad Galyada iyadoo ay ku taalo degmada wajaale goob xasaasi ah , rug ganacsi , iyo maagalo xuduudeed.

Si kastaba ha ahaate anagoo ka mid ahayn taageerayaashi Xisbiga Kulmiye waxaanu ku jirnay baryahanba xaalad suuxdin ah balse way dhaaftay wakhtigii wax la qarsanayey sheeko gaaban “ oday iyo xaaskiisii ayaa ka soo kici timay dhinac kililka shanaad ee itoobiya iyagoo safar u tagay

magaalda hargaysa si ay maryo uga soo iibsadaan islaanta oo ku magac dheerayd Guncad ayuu odaygeedii ku yidhi “ Naa hadee magaaldaan tagayno ceeb baa looga yaqaana Guncad ee imika laga bilaabo waxaan kugu yeedhayaa Khadiija ee Hoow Idheh balse markii ay galeen bacadlaha wayn ee hargaysa ayaa odaygii oo ka cag danbeeyay islaanta uu doonay inuu soo jeediyo isagoo ugu jeedhaya magacii khadiija balse way maqli wayday markaasuu kor u qayliyay isaagoo leh Naa ku qariyay ku qariyey ee Guncadeey xaaladu way dhaaftay wakhtiigii indhaha laga qarsanayey duruufaha adage e ay ku jirto dagmada Tog wajaale mana aha in maalin jimcaha ah safar qarsoon lagu yimaadaa uu dabooli karo tabashada bulshada waxaa loo baahan yahay waxaa loo baahan yahay in si balaadhan la isku soo hor fadhiisto guntii iyo gabagabadii halkuu ku danbeeyay mashruucii jidadka magaalada Tog wajaale oo boqolaal kun oo doolar ay bulshada iyo xukuumaduba ay kaga qayb qaateen Bilaahi Calaykum ma waxaa lagu qanci karaa ciiid lagu daa diyay wadooyinka . sacaadatu wasiir iyadoo aanu ixtiraam wayn kuu hayno bulshadu waxay doonaysaa xisaab hufan oo ay ku qanacdo iyo jidad laami ah oo ah kuwii aanu lacagta ku bixinay hadii kale waxaanu u arkaynaa mashruucii “Jiifo Jaq “ waxaan ku soo gunaanadayaa ereyadan kooban “ Gudimo Daan La,aanteed Miyay Dogobo Goysaa, Diric kali ahaatii Daleed Guusha Kama Helin ee Dadkaa Geesi lagu Yahay “.

Wabilaahi Tawfiiq

 Mustafe Sh. Abibakar Xuseen (Ha u Baqan).