Sadexda Xisbi Qaran Xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Shiray Diiwaangalintii Codbixiyayaasha 20 Casho Inaga Xigaan

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka ayaa shir alaabadu ay u xidhanaayeen ka yeeshay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo laaabtanka casho ee fooda inagu soo haya ka bilaabmi doona gobalka Togdheer.

Kolankaas alabaabadu ay u xidhanaayeen kadib oo waxa warbaahinta u warmay hogaamiayayaasha sadexda xisbi qaran iyo gudoomiyaha komishanka doorashooyinka waxaana ugu hrayntii halkaas ka hadlay gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ahana musharaxa xisbiga Kulmiye waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa ay komishanka qaranku soo bandhigeen qorshe tafatiran oo ay aad iyo aad uga soo hawalgaleen sidii ay diiwaangalintu u bilaabmi lahayd dhawaan hadii eebe ogalaado, waxaana dhamaan laysku raacay in diiwaangalintii la bilaabo maalinta ay u soo gooyaan komishanka qaranku lagana bilaabo Togdheer, asxaab ahaan iyo xukuumad ahaana waanu ku qanacnay sida ay hawshoodaas u soo diyaariyeen.”

Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi”Waan ku hanbalyaynayaa komishanka qaranka maanta fadhigan ay noogu yeedheen, waxay noo soo bandhigeen habka ay doonayaan inay u qabtaan diiwaangalinta, waxanan hanbalyaynayaa gobalka Togdheer oo ay u doorteen inay noqoto halkii ay ka bilaabmaysay, waxa la arkay inuu gobalkaasi u bisilyahay, diiwaangalintaas maanta aynu bilaabaynaa khayar ayay inuugu dhamaan doontaaye waxay ka turjumaani doontaa tirada dadka Somaliland intuu yahay, haday laba milyan is diiwaangaliso waxa ay tiradeenu noqon doontaa lix milyan, maalintaynu dalka soo galnay ilaa maanta waynu sheeganaa sadex milyan iyo badh aduunkuna waxa uu yidhaahdaa miyaanay korinba.”

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa isaguna halkaas waxa uu ka yidhi”Xukuumada iyo sadexda xisbiba goobjoog ayaanu u ahayn runtiina talada laysugu yimi waxay ahayd qaabkii diiwaangalintu ay u bilaabmi lahayd, wayna ku mahadsanyihiin komishanka doorashooyinku sida ay noogu soo bandhigeen,arinta ubucdeedu waxay ahayd in loo diyaar garoobi diiwaangalinta doorashada taas oo komishanku ay soo gudbin doonaan maalinta ay bilaabayaan.”

Ugu danbayntii waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame “Waxaanu umada Somaliland u dheegaynaa in maanta aanu soo gabogabaynay diyaar gorawgii diingaalinta codbixiyayaasha Somaliland, waxaanu ku soo gabagabaynay inaanu jadwal u samaynay sida ay isku raacayaan gobaladu, sida ay u kala horaynayaan, waxaanan kala tashanay xisbiyada qaranka iyo dawladaba inaan isla qaadano in si mid ah diiwaangalinta loo galo, diiwaangalintu waxay ka bilaabmaysaa gobalka Togdheer bisha koowaad labada wiig ee ugu horeeya oo aanu soo cayimi doono sida ugu dhakhsaha badan.”