Saddexda Xisbi Qaran oo mawqif isku mid ah ka muujiyey Ilaalinta Midnimada Somaliland, shacbigana ugu baaqay bannaanbax salmi ah oo ay Qaddiyaddooda ku muujinayaan

Hargeysa, 21 January, 2012 (SLpost)- Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCID ayaa Maanta si wada jira u cadeeyay inaan qaranimada Somaliland gorgortan gali Karin isla markaana ku taageeray Xukuumada Mawqifka ay ka qaadatay  Xaaladaha ka soo kordhay gobollada bari.

Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran oo si wada jir ah Saxaafada ugu waramay Qasriga madaxtooyada ayaa faahfaahin ka bixiyay Aragtidooda ku aadan xaalada wadanku galay.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay ka shaqaynayso nabadgalyada iyo xoojinteeda, iskaashiga iyo wada jirka ummadda taas oo ah mida uu dalkani hore ugu soo caano maalay.

gudoomiyuhu waxaa uu  xusay in xukuumada oo ah midhihii ka dhashay Xisbiga Kulmiye ay  mar walba ay diyaar u tahay in wax kasta oo tabasho ah oo jira  lagu dhameeyo wada hadal hase ahaatee waxa uu cadeeyay in wixii xad gudub ku ah qaranimada iyo madax banaanida dalkan aan cidna laga yeelayn.

Guddomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inaan shacbiga Sool loo nisbayn Karin shakhsiyaadka dalka dibada kaga soo duulay

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Inj Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shir beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Taleex uu ahaa mid lagu wiiqayo qaranimada jamhuuriyada Somaliland isla markaana lagula dagaalamayo Xasiloonida iyo degenaanshaha Mandaqada waxaanu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay ilaashadaan qaranimadooda waxa kale oo uu ku booriyay inay Mudaharaadka Maalinta beri ka dhici doona dalka ay ku muujiyaan  sida ay qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan .

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, waxaam kale oo uu sheegay inay axsaabta dhaqan u ahayd inay u midoobaan qaranimada Somaliland waxaanu intaas ku daray in qaranimadeenii lagu soo duulay.

Axmed Ismaaciil “Axmed Kayse” oo ku hadlayay magaca xisbiga Udub ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga wada tashado xaalada uu haataan dalku marayo, waxaanay cadeeyeen sida ay muqadaska u tahay difaaca dalka iyo sugida xuduudihiisu isagoo  iftiimiyay sida ay diyaarka ugu yihiin Xisbi ahaan in ay xukuumada ku garab istaagaan adkaynta nabadgalyada, sugida xuduudaha iyo madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Guud ahaan Mas’uuliyiinta Xisbiyada Qaranka ayaa bulshada ku baraarujiyay sidii ay dareenkooda ugu muujin lahaayeen isu soo bax balaadhan oo ku wajahan shir ku sheegi deegaanka taleex ka dhacay iyo sida aanay madax banaanida JSL gorgortan u geli Karin.

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net