Saddex Shirkadood iyo Xukuumadda oo ku shuraakoobay Saamiga Wakaaladda Korontada Dawladda ee Hargeysa iyo Duruufaha kallifay

HARGEYSA (SLpost)- Wershadda Korontada dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaa si rasi ah maamulkeeda loogu wareejiyey shirkadaha Dahabshiil, MSG iyo ALOOG oo Saamiyo kala duwan laga siiyey shirkadda, kuwaas oo gacanta ku haynta doonto inta ugu badan maamulka iyo mulkiyadda wershadda Korontada oo markii hore gacanta ugu jirtay xukuumadda.

Wakaaladda KorontadaGo’aanka Xukuumaddu maamulka Wershada ugu wareejisay ganacsada ayaa ka dambaysay ka dib markii ay dabooli kari waeyday baahida Koronto ee magaalada Hargeysa oo inteeda badan isticmaalo adeeg koronto oo ay iska leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay. Waxaanu qorshahan cusub ee maamul-daadajinta wershadda Laydhka si wada-jir ah u wadaagi doono Xukuumadda iyo saddexda shirkadood oo iyagu qaatay saamiga ugu badan.

Saamileyda Cusub ee Warshadda Laydhka Hargeysa, ayaa kala ah Shirkadda Dahabshiil oo saami ahaan yeelanaysa boqolkiiba 35%, Shirkadda MSG oo iyaduna heshay 35%, shirkad lagu magacaabo ALOOG oo fadhigeedu yahay magaalada Boorama laga siiyey Saami dhan boqolkiiba 10 halka xukuumaddu ay ka yeelanayso boqolkiiba 20 saami ah.

Munaasibad lagu shaaciyey hannaanka Saamiyada ee Wershadda korontada Hargeysa oo maanta ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay madaxweyne Ku-xigeeka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raysal, Wakiillo ka socday Shirkadaha Saamiyada laga siiyey Wershadda iyo Marti-sharaf kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in sababta wershaddii xukuumaddu lahayd loogu beddelay qaabkan cusub ee Ganacsatada Madaxa-bannaani la wadaagayaan ay tahay si bulshada loo gaadhsiiyo adeegga koronto ee wershadda, loogana gudbo Caqabadihii hore u curyaamiyey warshadaas oo mishiinnadii ay ku shaqaynaysay intooda badan ay fadhiisteen.

“Waxaynu halkan ku daah-furaynaa in wershadii Laydhka Dawladda ee Hargeysa aynu u bedelayno hab wadaag ah oo Dawladda iyo dad ganacsato ahi ay ku midoobaan sidii loo horumarin lahaa adigaas, oo runtii rafaad badan lala soo maray, Markii dhib kasta dhacdo waxaa la raadiyaa xalkiisa,habkan wadaaggu waa xal runtii loo helay hagaajinta adeega bulshada. Waxaa la isku gaynayaa dhaqaalihii gaarka loo lahaa iyo Awoodii maamul ee dawladda,Xukumaddu markay hanaan ama siistam dhan oo shaqaynayay oo ama warshad ahaa ama wax kale ahaa ay awood ama dhaqaale u waydo waxay ku wareejisaa Ganacsato Illaahay dhaqaalaha siiyay oo ay tidhaahdaa meeshaa Kici,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inay Xukumaddu ka mid noqonayso Guddida sare ee Shirkadda islamarkaana dusha kala soconayso Siyaasadda Shirkadda si ay iskugu daydo inay xakamayso Qiimaha Laydhka.

“Waxaan Umadda Somaliland ugu Bushaaraynaynaa in Dastuurkeenu Ogol yahay in dawladdu hantideeda ciday doonto la wadaagto, iyadoo uga jeeda inay samayso adeeg wanaagsan oo jaban oo Joogto ah la helo” ayuu yidhi Mr Saylici.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaa is waydiin mudan shirkadahani miyey u soo taratmeen oo sidaasay ku heleen mase Dawladda uunbaa u garatay shirkadahani waxay ahaayeen kuwii noo soo gurmaday ee nala badbaadiyey markii ay fadhiisatay warshadii laydhka ee Hargeysa.”

Dhanka kanelana waxa uu wasiirku sheegay inay shirkadaha saamiga laga siiyey wershada laydhka heshiis kula galeen in qiimo-dhimis lagu sameeyo sicirka korontada ee markii hore la qaadi jiray oo uu sheegay in halkii Unit laga qaadi jiray Hal Dollar, balse ay ka dhigi doonaan todobaatan Senti. Wasiirku waxa uu sheegay inay Xukuumad ahaan ku wareejin doonaan maamulka wershadda $600 oo kun oo Doolar si ay ugu kaabaan intay ka soo kacayaan ee ay iyaga iyo shacabku isla qabsanayaan.

Wakiillo ka socday saddexda shirkadood oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay inay farxad u tahay in shirkaddi korontada ee dawladda maamulkeeda gaar laga dhigo, waxaanay dhammaantood iska daba-mareen isla markaana ballan-qaadeen inay kobcinayaan adeegga korontada.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Munaasibaddaas ka Hadlay, ayaa sheegay in hannaanka xukuumaddu iyo ganacsatadu ku wadaagaayaan adeegyada bulshada ay ka mid yihiin qaababka Dhaqaalaha kor loogu qaado.

SOMALILANDPOST.NET