Saddex Goor Xaq Mudan (Maanso)

Hooyadu waa nolosha, noloshuna waa hooyada. Waa hoyga dadnimada iyo damiirka lagu ababiyo, xaqeeda lama gudo, lamana hawaysto in dhibic ka mid ah la gooyo.

Maansadani wuxuunbay sheegaysa xaqeeda, balse ku odhan mayso ku dhiiro inaad guddo.

Mana gudan xilkaagii

Mana gabin xaqaaqii

Xasuustana ma moogiye

Xujadaada weyn baan

Xag aan kaga hagaagiyo

Xeeligeedii la’yahay!


Saddex-goor-xaq-mudaneey

Xinjirtayda dhiiggaay

Xaramkii labaadeey

Xaaska haybaddiisaay

Xag alliyo dhankaagay

Qudhu igaga xidhan tee

La’aantaa xayaatada

Xabaal baan ka gali laa.


Xadhkihii sammaantiyo

Heeryadii xaqiiqada

Xajisee adkaysaay

Qof xannaanadaadiyo

Xiisahaaga waayaa

Xagal-daac ka bixi waa

Xiskiisuna ma buuxsamo.


Xayn-daabka guushaay

Xaruntii aqoontaay

Hal-abuur xuruuftiyo

Xarakeeyo maansada

Adigaa xanjaadkiyo

Hooyo xaynka ku af bara

Deeqsi xoolo badanoo

Xaasidnimo ka saahiday

Adaa xeerka soo bara

Hablo xuural-cayni

Xariir guudka loo dabay

Xulantida la tiigsado

Adaa xoor ku soo horay

Usii xaadhay daw siman

Misna faray xuduudiyo

Inta laga xishoodiyo

Inta aan xajiin iyo

Xumo lagu ogaynee

Garashadu u xilatee

Xusul-duubka raadcada

Xergi loogu baratamo.


Markuu xoolka jiifiyo

Markuu xoogga leeyahay

Xildhibaanka uunkani

La’aantaa xal-keenaa

Xero oodi kari waa.


Xarumaha caloosheed

Hooyo igu xamaashiyo

Xanaf iyo kulayl iyo

Xanuun fooshu leediyo

Qaydkiyo xansheerkaad

Wallee igu xambaartiyo

Xaqii naaska maba gudo.

Xiskaygaad ku milantoo

Xididada hal-bawlaha

Xinjiraha u qaadiyo

Xubnahayga oo dhami

Xaqa aad ka mudantay

Ku xadraynayaanoo

Inta xay aad tahaybaan

Xurmayntaada qaanta ah

Xirib qudha qiyaas leeg

Xilbax inaan ku soo gudo

ku xisaabtamaayoo

Haddaan xoog u leeyoon

Xayiraaya dhiilada

Xanuun iyo bukaan iyo

Xumad maabad aragteen

Anigaa xawilan laa

Dhibta kuu xamili laa.


Xushmayntaada ruux gabay

Xaq-dhawrkaaga baal maray

Ma xasilo adduunyada

Xawdkii Rasuulkiyo (CSW)

Janno waa ka xaaraan.


Qof xeerkaaga sheeg yidhi

Xuduudiisa gaadh yidhi

Ku xabeebay mooyee

Xusul qudha dhamayn waa

Anna xarafka maansada

Nabarada xanuunka leh

Ku xadhaadhi mooyiye

Xaasha’e ismaan odhan

Xaqa hooyo leedahay

Carab baa xaddidi kara

Xudduntaan ka beermaay

Xujadii adduunkaay

Xog ogaalka dhaqankaay

Xildhibaanka noloshaay

Inta xidid ku nool yahay

Xagtintiyo dhibaatada

Xayn daab biroo adag

Xijaab aan la mari karin

Kaaga xeeri Mawluhu

Rabbigay xabaashana

Xaraaraha fardawsaad

Xaadin kaaga qoondee

Anna xiise duuggiyo

Dareen xaaluf-diidiyo

Xadantiyo kal kuu xalan

Waa mid aan la xadi karin.

Xeedhada aduunkaa

Xawd igu sabaysoo

Xamashkiyo ugbaadkii

Cidhifyada ku xidhatee

Xajka kaama baajeen!!

Isha: Weedhsame.com