Sacuudiga oo Ikhwaanul Muslimiin u aqoonsaday Urur Argagixiiso!

Saudi (SLPOST) Boqortooyada Sacuudiga ayaa si rasmi ah Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee ka jira dalka Masar u aqoonsaday mid argagixiiso.

saaaaaaaaaaaaaaxaji-omar-300x168

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa sidoo kale labo urur oo Islaamiyin oo ka dagaalamaaya Suuriya oo ay kamid tahay Jabhadda Nusra loogu aqoonsaday ururo Argagixiiso.

Qoraalka ayaa sidoo kale dadka u dhashey Sacuudiga ee ka dagaalamaya Suuriya loo qabtay in ay mudo 15-maalmood kaga soo baxaan oo ay kusoo laabtaan dalkoodi.

Wareegto bishii hore lasoo saaray ayaa lagu sheegay in muwaadin Sacuudiyan lagu helo in uu ka dagaalamayo Suuriya lagu xukumi doono xabsi daa’in.

Boqolaal Sacuudiyan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dagaalamayaan Suuriya, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga uu ka baqanaayo in ay falal amni darro ka abuuraan Sacuudiga markii ay kusoo laabtan.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa mamnuuc ka ah Boqortooyada Sacuudiga, waxaana Dowladda Milateriga Masar bishii December ee sanadkii hore uu ku daray liiska Ururada argagixiisada.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland