Sababaha Kallifa Dib-U-dhaca Sugidda Cadaaladda ee Maxkamadaha, Dacwaduhuna Ay Waqti Dheer U qaataan

Qaab Dhismeedka Dawladnimo Ee Somaliland Waxa Ay Ka Kooban Tahay Sadex Waaxood Oo Kala Ah  Xukumada ,Xeer Dajinta Iyo Garsoorka Sadexda Waaxood Midkastaa Waxa Ay Dalka Uhaysaa Hawl Gaara Oo  Weyn . Sida Aynu Lawada Socono Waxa Jira Koriin  Nidaameed Ay Sameeyeen Waax Kasta Oo Qaranka Ka Mid Ihi Waax Kastana Waxa Ka Jira Cabashooyin Iyo Tabashooyin Shacabku Uhayaan ,Kuwaas Oo Kala Culus . Waaxda Garsoorku Waa Waaxda Ugu Cabashada Badan Ee Umado Badanaa Dhaliilo Ujeediyaan Dhaliilahaaas Oo Dhinacyo Badan Ah Hana Noqoto Mid Maamul Ama Mid Nidaamka Lagaga Hawlgalo Maxkamadaha Ama Mid Hagrasho Masuuliyadeedba .
Maqaalkaygan Oo Aan Isku Dayi Doono Inaan Fikirkayga Ku Waajahan Cinwaanka Maqaalkan Oo Aanisku Dayay In Aan Bal Dhaliilahaas Waxyaabaha Keena Aan Ufiirsado Waxa Ii Muuqatay Arimahan  Anigoo Tusaaale Usoo Qaatay Darsid Aan Kusameeyey Maxkamadaha Hoose Ee Gobolka Maroodijeex Sida Maxkamadadegmada Hargeysa ,Maxkamada Gobolka Hargeysa Iyo Maxkamada Rafcaanka Ee Gobolka .
Aniga Oo Iswaydiiyey Waa Maxay Caqabadaha Keenaaya Dib Udhaca Sugida Cadaalada Iyo Sababta Dacwaduhu Ay Dib Ugu Dhacaan Iyo Waxyaabaha Ugu Wacan .

Maxkamada Degmada Hargeysa : Waxay Uxilsaarantahay Dacwadaha Madaniga Ah Ee Qiimo Ahaan 3 Milyan Oo Shilling Ah ,Dacwadaha Ciqaabta Ah Ee Ugu Badnaan Sadex Sano Ciqaabtoodu Tahay ,Dacwadaha Qoyska,Dhaxalka,Guurka ,Furiinka Iwm Maxkamadani Waa Degmada Ugu Mujtamac Badan Dad Ahaan .Waxa Ka Hawlgala Ugu Badnaan Lix Garsoore Waxa Ay Ku Shaqaysaa Dhawr Qol Oo Xafiisyo Iyo Hool Dacwadeedyo Ka Kooban  Sidoo Kale .

Maxkamada Gobolka Maroodijeex :  Waxa Ay Uxilsaarantahay Dhamaan Dacwadaha Madaniga Ah Kuwa Ciqaabta Ah Ee Degmadu Maamusho Wixii Kasareeya Qimo Ahaan Iyo Ciqaab Ahaanba ,Sidoo Kale Waxa Ay Uxilsaarantahay Dacwadaha Shaqada, Dacwadaha Fulinta Ah ,Iyo Horgaynta Lagu Xalaaleeyo Dhamaan Maxaabiista Boolisku Xidhaan  48 Saacadood Kadib .Waxa Layaab Ah Maxkamada Gobolka Ugu Dadka Badanlihi Ay Ka Hawlgasho Waxa Ka Hawlgal Ilaa Lix Garsoore Waxa Dhisme U Ah Dhawr Xafiis Hal Hool Dacwadeed Ma Haysato Qalab U Dhigma  Hawsha Ay Hayaan .
 Maxkamada Rafcaanka Gobolka Maroodijeex : Waa Maxkamada Uxilsaaran Ka Garniqista Dhamaan Dacwadaha Rafcaanka Laga Soo Qaato Ee Heer Degmo Iyo Gobolba .Waxa Ka Hawlgala Ilaa Shan Garsoore Oo Kaliyaata .
Hadaba Waxa Jira Caqabado Iyo Culaysyo Baaxad Leh Oo Haysta Maamulka Maxkamadaha Caqabadahaasi Waxa Ay Keenaan In Sidii Cadaalada Loo Sugilahaa Ay Adkaato Cabashooyinkana Aan Aaminsanahay In Ay Kenayaan Arimahaas Waxa Kamid Ah .
Maxkamaduhu Ma Haystaan

1- Dhisme Xafiisyo Iyo Hoolal Dacwadaha Lagu Qaado Oo Ku Filan Hawsha Utaala , Waxa Dhacda In Xafiisyada Yar Iyo Hoolalka Dacwadaha Ay Garsoorayaaashu Ay Kala Sugaan Taasna Ay Keento In Dacwadaha Goaan Kagaadhistoodu Waqti Qaadato Tana Ay Kento Soo Celcelin Iyo Cabashaba .

2- Tirada Garsoorayaasha Ka Hawl Gala Maxkamadaha Oo Aad Uyar Oo Aan Sinaba Ugu Dhigmayn Baaxada Hawsha Utaal Maxkamadaha Oo Shan Ama Lix Garsoore  Maxkamad Dhan Ay Fadhiyaan Tani Waxa Ay Keentaa In Garsoore Kastaa Uu Ku Qoranyahay Dacwado Badan Oo Madani Ah Qaar Badan Oo Ciqaaba Iyo Horgayno Tiro Badan Sideebu Garsooruhu Uga Bixi Karaa Hoolal Layska Sugaayo Oo Intaas Oo Dacwadood Sugayaan ?

3- Qalabka Xafiisyada Oo Aad Uyar Waxa Dhacda In Maxkamad Dhan Oo Shan Garsoore Joogaan Oo Waxaas Oo Hawli Uyaalan In Ay Leedahay Hal Konbuyutar Iyo Teebab Kharaabay Taasna Ay Kento In Qoraaladii Iyo Goaanadii  Maxkamdu Samaynaysay Ay Dib Udhacaan Oo Aad Arkayso Kaaliayaal Kala Sugaaya Konbuutarka Kaliyaata .
4- Kaaliyayaasha Ka Hawlgala Maxkamadaha Oo Shaqo Ahaan Ah Halbawlaha Dacwadaha Oo Tiro Ahaan Aan Badnayntayo Ahaana Liita Badankooduna Aanay Gunaysnayn , Tanina Waxa Ay Keentaa In Laxisaabtankoodu Adkaado Ileyn Badankoodu Ma Gunaysnee Oo Goortuu Doono Ayuu Imanayaa Cidii Wax Siisa Ayuunbuu Hawsha Uhoraysiinayaa .
5- Aqoonta Iyo Xirfada Garsoorayaashu Badankoodu Aqoon Jamacadeed Malaha ,Kaliyayaashuna Kama Dhisna Xirfada Kaaiyanimo .
6- Gunada Maamulka ,Garsoorayaasha, Kaaliyayaasha Maxkamadaha Ka Hawlgalaa Ma Helaan Guno Ku Filan Oo Daboosha Noloshooda .
Gabagabdii Waxa Aan Usoo Jeedinayaa Xukumada Somaliland Gudida Cadaalada Iyo Cid Kasta Oo Danaynaysa In Ay Wax Kaqabato Hawlaha Maxkamaduhu Hayaan In La Fuliyo Arimahan :

1- In Siyaasad Cad Loo Dajiyo Garsoorka Dalka
2- In Loo Fuliyo Dhismayaal Iyo Hoolal Dacwadaha Lagu Qaado Oo Ku Filan .
3- In La Kordhiyo Tirada Garsoorayaasha Iyo Hawlwadeenada Maxkamadaha Dadaqoon Lehna Laga Dhigo .
4- In Qalab Xafiiseedyo Ku Filan Loo Hirgaliyo .
5- In Guno Ku Filnaan Karta Loo Qoro
6- In Maxkamadaha Loo Kala Saaro Waaxyo Kala Duwan Oo Kala Ah Waaxda Dacwadaha Ciqaabta ,Waaxda Madaniga, Waaxda Fulinta Waaxda Dacwadaha Shaqada ,Waaxda Horgeynta  Iwm Iyadoo Waax Kasta Loogu Talogalo Garsoorayaal Ugaara.
7- In Cashuuraha Iyo Ganaaxyada Lagaqaao Dacwadaha Qadar Loo Lexiyo Maxkamadaha Si Ay Hawlaha Yar Yar Ee Xafiisyada Ugu Qabsadaan

Garyaqaan Siciid Cabdilaahi Xuseen  (Geeljire)

 Mob;25224109396

E-Mail Siciidlawyer@Hotmail.Com