Sababaha is-ballaadhinta Iran iyo taxadirka ku habboon – Maxamuud Cali Maxamed- Q.2aad

Haddaan wax ka ogaanay qorshayaasha hoggaamiyeyaasha Iran, waxaan halkan sidoo kale ku eegi doonnaa qeybo aan ka soo qaadannay dastuurka Iran oo ku saabsan Ciidammada iyo marka la qorayo waxa loo eegayo iyo waajibaadka saaran; abuuritaanka iyo hubaynta ciidammada Qaranka ee dalkaas. Waa in maskaxda lagu hayo in Diinta iyo falsafad saldhig looga dhigo.

Markaa, Ciidammada Iran iyo ilaaliyeyaasha kacaanku waa inay ku yimaaddaan ujeeddadaa, masuulna kama aha keliya ilaalinta xuduudaha balse faafinta iyo u dhoofinta  falsafaddeenna (Jihaadka) dunida kale. Sida Iran dabka ugu huriso ama ugu dhoofiso dibedaha argagaxisada, isla markaana caddayn la taaban karo u ah sida hoggaamiyeyaashoodu uga been-sheegaan xitaa waxa dastuurkooda ugu qoran ayaad ka dheehan kartaa dhibaatada iyo xasuuqa ka socda Siiriya iyo sida Xukuumadda Iran u taageersan tahay Basharal Asad (Hoggaamiyaha Siiriya), halka dastuurka Iran qorayo; qodobkiisa 154-aad in Iran taageersan tahay xagga iska caabbinta dadyowga dulman kala hortagaan hoggaamiyeyaashooda dulmay meel kastoo ka mid ah adduunka.” Balse tallaabada Iran taa way ka soo horjeeddaa xilligan.

Dhacdooyinka ku xusan taariikhda ee tilmaamaya sida Iran dabka uga hurisay ama ugu dhoofisay argagaxisada meelo kala duwan oo aduunka ka tirsan qeybaha hoos ku qoran: sannadkii 1987, hogaamiyeyaasha Iran iyo hay’adahoodu waxay masuul ka ahaayeen weerarkii ka dhacay magaalooyinka barakaysan e eislaamka Makka iyo Madiina, oo ay ku dhinteen 500 oo xujaaj reer Iran ah, sida uu cadeeyey musharaxii madaxweynaha, horena u ahaa afhayeenka baarlamaanka Iran Mehdi Karroubi mar dabne.

Jariidda Sunday Telegraph ayaa qortay war shaagaya in Saraakiil Pakistan ka tirsan ku dhaleeceeyeen Iran inay Gaasta ku shubto xasillooni-darrada ka taagan gobolka Baluchistan. “Saraakiil ka hadlay Islamabad ayaa rumaysan in Iran dhiirrigeliso maleeshiyaadka qabaa’ilkooda ah ee ka soo gudba xuduudka u dhexeeya labada dale e soo gaadha magaalooyinka Pakistan, oo taageera budhcada. Dhammaan rabshadahaasi waxay qeyb ka yihiin qorshayaashood adhagareed. Xukuumada Pakistan ayaa si rasmi ah uga furtay koox sirdoon caasimada gobolkaa ee Queta, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Iran, balse idaacadaha Iran ayaa bilaabay inay barnaamijyo dacaayado ku saabsan Pakistan sii daayaan.

Dhinaca kale, raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa xilli hore ku eedeeyey in waddammada Masar, Liibiya iyo Iran ay siiyaan hub iyo dhaqaale maleeshiyaadka Shabaab ee gacanta ku haya badi koonfurta Soomaaliya.

“Masar, Liibiya iyo Iran, oo aanu wadamo saaxiibo ah moodaynay waxay ku hawlan yihiin hurinta colaadaha ka taagan Soomaaliya isla markaana caawiyaan argagaxisada,” ayuu sheegay Maxamed Cali Geedi, raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya.  “Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay cadaadis saaraan wadamadaa doonaya in dhibaatada Soomaaliya sii socdaan..” ayuu Geedi raaciyey.

Nasiib darada ugu weyn ayaa la sheegaa inay tahay iyadoo badi rajiimka Iran hadafyadooda dilitaan ku waajahan tahay dal cadaawad u dhexeyso, ayaa haddana, inta badan dadka ay dhibaatadu ka soo gaadho ee weeraraooda ku haligma yihiin ayaa u badan dad shicib ah sid aaynu ku aragno waxa ka dhaca wadamada Ciraaq, Afgaanistaan, iyo meelo badan oo aduunka ka mid ah, waxaa ugu danbeeyey waxii ka dhacay dalalka Hindiya iyo Teyland oo xitaa nin reer Iran ah oo is lahaa goob dad joogaan dhig walxo qarxa ilaahay isaga ku qarxiyey oo lugaha ay goysay. Ugu danbayn, ma odhan karno way isku soo beegmeen imaatinka Soomaaliya ee Iran iyagoo ku soo dhuumanaya mucaawinooyin iyo wakhtigii ciidamada AMISOM iyo XKG Soomaaliya ka qabsadeen badi deegamadii ay ka talin jireen maleeshiyaadka Shabaab, laakiin todobaadyo ka dib, waxa soo bilaabmay weeraro noocyo kala duwan oo shabaab ka fuliyeen qoobo kala duwan oo badi dadka ku dhintay ay noqdeen shacab aan waxba galabsan. Haddaba, dadka aqoonta fiican u leh taariikhda Iran ee ku saabsan u dhoofinta falsafadooda iyo  argagaxisada daafaha caalamka, ayaa saadaalin kara in soo gelitaanka Iran ee Soomaaliya xilli la jebiyey shabaab keeni karto inay dib awood u helaan iyagoo ay taageero qarsoon ka helaya Iran, sidaa si la mid ahna keeni karta hadaan dib looga fiirsan imaatinka cusub, isla markaana aan qorshe siyaasadeed cad oo lagu waajaho lahayni saamayn ku yeesho xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland xilligan ku naaloonayso, marka lagu xisaabtamo caadooyinka Iran.