Sababaha is-ballaadhinta Iran iyo taxadirka ku habboon – Maxamuud Cali Maxamed-Q.1aad

Hadalkan waxa yidhi khabiir faalleeya siyaasadaha Bariga dhexe, “Haddii Khomeini (Hoggaamiyihii kacaanka Iran) uu noolaan lahaa, wuu ku farxi lahaa sida hoggaamiyeyaashii beddelay ugu guulaysteen u dhoofinta kacaamiyiin khubaro ku ah xag-jirnimada waddammada geeska Afrika. Hawlgallada Iran ee geeska Afrika oo ka bilaabmay dalka Sudan ayaa xilligan gaadhay dadyowga Muslimka ah ee Kenya, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Dublamaasiyiin socdaalo ku tegay Soomaaliya ayaa cadeeyey inay si weyn u muuqdaan korodhka joogitaanka Iran ee Muqdisho, caasimada Soomaaliya, balse, isku baaldhinta aan tayeysnayn ee Iran ee wadamada geeska Afrika waxay qeyb ka tahay hadafka fog ee ay ku doonayaan inay ku hareereeyaan muhiimadooda koowaad ee gobolka Sacuudiga, laakiin, waxaan weli badi khubarada falanqeeya siyaasada gobolku aad u fahmin inay Iran tahay wadanka sii kordhiya xasilooni darada ka taagan Soomaaliya.

Si aan wax badan uga fahamno istaraatijiyada Iran, waxaa wanaagsan inaan dib ugu laabano oo qiimayno taariikhdii hogaamiyeyaashii kacaanka Iran iyo hamigoodii. Muhammad-Javad Larijani, oo ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasada ee Rafsanjani 1989, ayaa yidhi, “Muhiimada koowaad ee siyaasadeena qaranku wa ainaan awood ku yeelano dunida muslimka. Taasi macnaheedu wa ainaan Iran ku koobnaan xuudaheeda muuqda…mana aha sida wadamada kale. Maanta waa dhab inaan aqbalno xuduudaha aduunka u yaal si aan dhibaato uga badbaadno, laakiin masuuliyada inna saran taasi ka joojinayso.

Masuuliyadaasi xuduudaha way ka gudubtaa, waana inaan siyaasadaheena ku dhisnaa qaab aan ku gaadhno dhamaan wadamada muslimka. Wadan aan Iran ahayn ma hogaamin karaan ummada islaamka; taasi waa u muhiim taariikhdeena. Isagoo sharxaya fikrada Ummul-quraa, ayuu  Larijani ku sheegay, maxaan u rumaysanayaa in waajibkaygu ku kooban yahay xuduudahayga? Sababtoo ah, keliya ma nihin dawlad Islaam ah, waxaan haynay Wilaayada xilligii [Khomeini] iyo wakhtigii Ayatollah Khamenei. Wilaayadaasi waa awooda ugu saxan ee lagu maamulayo dhamaan ummada islaamka.

Ummadda Muslimku ma dareensana inaan awoodaa maamul leenahay, laakiin taasi hadafkeena ma joojinayso. Dhab ahaan. Ilaa inta ilaalintaasi jirto, wilaayadu waxay masuul ka tahay ummada islaamka, waxaana waajib ku ah ummada islaamka inay adeecaan. Ilaa inta wadankeenu u taagan yahay ilaaliyaha ummada, waxa waajib innaga saran yahay dhamaan ummada islaamka.

Awoodaha kala duwan ee lagu sheegay dastuurka vali-e-faqih, ayaa, weliba ka hooseeya kuwii uu aaminsanaa Khomeini. Ahmad Azari-Qomi, oo ka mid ah wadaadada hogaaminta sare ayaa ku qeexay ulajeedada ilaaliyaha/hogaamiyaha ummadda sidan; velayat-e-faqih waxa loola jeedaa lahaanshaha gebi ahaan awooda maamul iyo diimeed ee ummada.

Masuuliyaddaasi waa mid saamaynaysa dhammaan aduunka iyo waxa ku nool, ama noole ha ahaado ama wax kale, qudhaanjada, geedaha, xayawaanka iyo wax kastoo kale oo xidhiidh la leh nolosha bani’aadamka iyo hantidooda. Ilaaliyahu waxuu awood u leeyahay inuu gebi ahaanba maamulo waajibaadka diiniga ee dadka oo wax ka bedelo haduu u arko inay ka horimanayso danaha islaamka iyo ummada. Waxuu mamnuuci karaa waajibaadka diinta ama wax kale hadday ka horyimaadaan danahooda.

Maxamuud Cali Maxamed