Saamaynta Shidaal-xumidu ku hayso Gaadiidka oo Faraha ka baxday iyo Ganacsatada Shidaalka oo Tallaabo hor leh qaaday (DAAWO WARBIXIN)

Hargeysa (SLpost)- Somaliland wali waxa ka taagan Dhibaatada ka dhalatay Shidaal wasakhaysan oo todobaadyadii u dambeeyey soo galay Magaallooyinka, kaasoo waxyeello ba’an ku haya Gaadiidka, dadkuna cabasho weyn  ka muujinayaan.

Abdilaahi Axmed Yaasiin, waxa uu kamid yahay gaadiidleyda dhibaatadu ka soo gaadhay Shidaalkan wasakhaysan ee lagu Iibinayo Magaallooyinka, waxa uu sheegay in shidaal xumaaday lagaga shubay gaadhiga, kaddibna uu gaadhigii dhaawac ka soo gaadhay.

Cilada uu Shidaalkani ku keenayo Baabuurtu maaha mid ku kooban Mar qudha balse waa mid saameynteedu ku soo noqnonayso, sida uu sheegayo Cali Maxamed Faarax oo kamida Farsamayaanada ka shaqeeya Gawaadhida.

Dadka ka ganacsada Shidaalka oo ay laftooda Ganacsigooda dhaawacday  mushkiladdan soo foodsaartay Shidaalku, ayaa sheegay inay iminka shidaal fayow u raadiyeen meello kale oo aan ahayn Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, si loo soo afjaro Dhibaatada taagan.

Abdi risaaq Daahir Askar waa Mulkilaha Kaalinta Shacab Total Feul station, waxa uu sheegay inay Shidaal bad qaba ka keeneen Dalka Djibouti.

Ma jirto ilaa hadda wax go’aan ah oo ay Dawladda Somaliland ka soo saartay waxqabashada Shidaalkan xumaaday ee Khasaaraha badan u gaystay Bulshada.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXIN DHINACYO BADAN TAABANAYSA OO ARRIMAHAN LAGA DIYAARIYEY

https://youtu.be/E3SVkrqinQA