Ruushka oo sheegay in Ukraine ay ku galeen codsi Madaxweyne

UN-(SLPOST) Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay isugu yimid kulankii 3aad oo ay ka yeeshaan xiisada ka taagan dalka Ukraine.

ruushkaWaraaqUkraine1-

Kalfadhiga aan caadiga ahayn ayaa waxaa codsaday Dowlada Ruushka oo xiligan cadaadis caalami ah soo foodsaaray tan iyo intii ay ciidamadooda gudaha u galeen dhulka Ukraine.

Dowlada Ruushka ayaa kulankii Golaha Amaanka ku shaaciyey qoraal uu saxiixay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Victor Yanakovich, qoraalkaasi oo uu uga codsaday in ciidamada Ruushka usoo gurmadaan.

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay inay ogolaansho ka heysatay dowlada Rasmiga ah ee Ukraine xiligii ay ciidamadooda gudaha u galeen gobalka Crimea ee koonfurta Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa tan iyo shalay ku hareeraysnaa xarumaha militariga iyo saldhigyada ciidamada Ukraine ay ku leeyihiin gobalka Crimea.

Sidoo kale maraakiibta dagaalka ee Ruushka ayaa xanibay inay wax dhaq dhaqaaq ah sameeyaan maraakiibta ciidamada bada ee Ukraine. Maalin kahor ayuu Taliyihii Ciidamada Bada ee Ukraine ku biiray xoogaga taageersan Dowlada Ruushka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland