Ruushka oo beeniyay oo hub siinayo Suuriya

 

Syria(SLpost)-Afhayeen u hadlay Ruushka ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Ruushka uu kordhiyay taageerada militari ee uu siiyo maamulka Suuriya, lakiin waxa uu qiray inay jirto taageero farsamo oo ay siiyaan ayna sii socondoonto.

Dhowaanahan, waxaa la arkay qalab militari oo aan caadi ahayn oo Ruushka lagu sameeyay oo yaalla gudahaha Suuriya.

Sidoo kale dhammaan warbixinnada waxa ay sheegayaan in xukuummadda Moscow oo muddo saaxiib la ahayd Madaxweyne Bashar Al Asad, inay xoojineyso joogitaangeeda xarunta ciidamada ee koofurta Latakiya.

Ruushka waxa uu sheegayaa inaysan weligood qarinin xaqiiqda ah in Suuriya ay siiyaan qalab militari.

Waxay hadda ka taageertaa dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka oo dhul badan oo cusub qabsaday. Ruushka waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay ururkaasi.

Laakiin taageeradeeda muddada soo jirtay ee Suuriya ayaa had iyo jeer la siiyaan saaxiibka muddada soo jiray ee Bashar Al-Asad. Iyadoo ay soo baxayaan wararka ah in qalab militari lagu arkay gudaha dalkaasi, iyo inay dhisayaan xarun ciidamada cirka ah, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi marna ma sheegeyso inay taasi tahay kordhinta caawinta Suuriya.

Laakiin afhayeenka, Maria Zakharova waxa ay BBC-da u sheegtay in diridda ciidamo aysan xisaabta ugu jirin xilligan.Maalmihii la soo dhaafay, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry waxa uu walaaciisa uu ka qabo taageerada Ruushka ee Suuriya u muujiyay xukuumadda Moscow.

Waxa uuna uga digay in tallaabada noocaasi ah ay sii hurineyso dagaalka ka jira Suuriya, ayna sii ballaarineyso qulqulka qaxootiga.