“Runtii waan ku hanbalyaynayaa ganacsatada Somaliland go’aanka ay qaateen…” Jamaal CalI Xuseen

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ganacsatada dalka ku habalyeey in aanay iska qaadan cashuuraha lagu kordhiyay, waxaanu ku tilmaamay wax lagu farxo in aanay shacbiga dusha ka sii saarin cashuurtaas ee ay ka horyimaadeen.

Waxa uu sidan musharax Jamaal ku sheegay mar uu maanta la hadlaayay war fidiyeenada, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Markii cashuurtii si qayral caadi ah loogu kordhiyay iyay iyaguna go’aansadeen in aanay alaabtoodii kala bixin dekeda Barbera, taasi waxay sababtay inay laba markab bada dhexdeeda hada taagan yihiin, sadex doonyood iyo hal markabna ay dekeda joogaan, runtii waan ku hanbalyaynayaa ganacsatada Somaliland go’aanka ay qaateen, xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in arinkan la sameeyay uu yahay mid lagu degdegay, waayo halkii kontiinarka gaaban laga qaadi jiray hal milyan iyo sagaal boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah ayaa imika laga dhigay sadex milyan iyo shan bolol oo shilinka Somaliland ah, khidmadii kale ee laga qaadi jirayna qaarkood ayaa la laban laabay, runtii ganacsatada in sidaas la yeelo xaq looguma laha waana markii ugu horaysay ee ay hal adayg muujiyaan, markii hore waxii lagu kordhiyo intay qaatana ayay shacabka dusha ka saari jireen, danyarta ayaana ugu daran cida ay dhibayso, shaqaalaha ayay saameeyaan iyo ciidamadeedna oo aan waxb badan qaadan, sixir barar ayaa jira madaxweyniina gudi ayuu u saaray hadana dhankii kale cashuurtii ayay dadkii ku kordhiyeen, waa waxyaabaha sirix bararka abuuraya.”