RUNTAY KU HARGABTAA!!!!

Waxa si an kula talo-gal ahayn gacantu iigaga dhacday Tv ka mid telefishanada somalida. Odayaal baa fadhiya, waxa aanay ka hadlayaan in aanay Somaliyi maanta dib ugu laaban Karin qabiil iyo qabyaalad, in aan loo baahnayn in doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo 2016 lagu salayn 4.5, oo ah hanaanki la isla qaatay shirki Carta, xukuumada maanta jirtaana ay ku dhisan tahay. Taas beddelkeed duqaydani waxa ay la hayaan in wax lagu qaybsado deegaan, taas baanay u arkaad wadada saxda ah ee aanay somaliyi QABIIL DIB UGU LAABANAYN!!!!!
Garo oo doodani waxa ay daba-socota shirarki isdaba yaalay ee beryahanba dalka lagu qabanayey, ee la rabay in la dejiyo hab la isku raacsan yahay oo lagu soo dhiso xukuumadi iyo baarlamaanki bedali lahaa kuwa haatan jira. Go’aamada ka soo baxay kulan kasta oo ay isugu yimaadaan HEBELADA MAGACEENA LOOGU CUMAADADAY iyo duulka kale ee daba-yaal, badanaa waa kuwo aan dawo lahayn, jawaab shaafi ahna aan ka bixinayn su’aalaha la leeyahay mar walba waa horyaalaan. Waxay u muuqataa in fashilka is mari waaga iyo wax-kala riixashada meesha taal lagu danbabasayo qodobo la xarxariiqo iyo kiniinka cusub ee xummad jebinta siyaasada maanta e la yidhaa: “KULAN DANBE”.
Marka aan akhriyey qodobadi ka soo baxay shirki u danbeeyey ee lagu qabtay Muqdisho, dooda duqaytidana aan daawaday waxa ii soo baxay sida ay Somalidu beenta iyo indho-sarcaadka isugu dhigayso, waxaan garwaaqsaday in jidka diihaalka iyo jahawareerku uu weli kow yahay, kuna qasbanahay in aynu sannado badan oo soo socda laftan engegan toobinka ku sii hayno.
Bal hada u fiirso: Sept. 2012 ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxweyne, xukuumadisina waxa loogu wan-qalay in ay ka baxday ku-meel-gaadhnimadi( garo Somaliya waxay marki hore ku gashay ku-meel-gadhnimada iyo waxa ay kaga baxday ma naqaan). Intaas uun laguma dayne, waxa loogu daray oo la siiyey qorshe odhanaya 2016 waa in dalka ay ka dhacdaa doorasho qof iyo codkiisa ah. Hada meeshu waa Soomaaliya e ogow, waa dal labaatan sanno iyo ka badan dagaal rafaadiyey, dadkiisina kala irdhoobeen. Burburka dhaqaale, aqooneed, ayaa ciida ka badan. Waxaa ku furna dagaal wajiyo badan, oo anay dalwaddii wax lo dhibayey daafad iyo tamar toona u hayn. Waxa qudhaata ee sida gaarka ah loogu dardaaray wuxuu ahaa doorasho qaabka an so shegnay u dhacda. Ma mooda in Soomaalida waxa ka maqnaaba ahaa DOORASHO???!!!!. Hada lama siin jaan-tus cad oo ku dardaaraya ama faraya waxa ay tahay in ay ku so kordhiso adeegyadi bulsho, oo ah laf-dhabarta bulshadu ka jilicsan tahay, dawladdnimona loo samaysto.
Raggi la doortay midhahaa darayga sidoodi bay ku liqeen, inana ( somalidi kale) wa la liqnay. La isma warsan suuro-galnimada arrinkan, hadalna lagama keenin. Muddada dhan e dawladdani jirtay waxay ku tannaadayeen 2016 doorasho xor ah ba dhacaysa. Laakin gunti xeedhada ayaa la soo taabtay, waxaynu wada ogsoonahay in shirarkan socda ay ka dhashen go’aanki barlamaanka iyo xukuumadu ku sheegeen in aan dalka doorasho qof iyo codkisa ahi ka dhacayn!!!!
Su’aasha is weydinta muddani waxay tahay: maanta iyo maalinti ay warkan qaadanayen iyamay waalnaayeen? Mise waxaynu wada noqonay BIDDAYAASHI la odhan jiray CAQLIGA MARKA UGU DANBAYSA KU SOO DEGA( gadaal bay wax ka fahmaan)??. Mise midnaba ma ahee waxyaaba qaldamay baa suuro-gelin waayey qabsoomida doorashoyinka, oo keenay in la raadsho wado kale oo looga leexdo??!!!
Qof iyo aragtidi. Aniga se waxay ila tahay sheekadu waa taa BIDDAYAASHA. Innaba qof caqli leh, og dhumucda mushkilada somalida iyo xadhig-maranimadeeda, qiimayn dhab ahna ku samaynayey waxyabaha loo baahna in la qabto si loo sameeyo soo-kabasho dhab ah oo Somali ku naalooto, waa u caddayd, way u muuqatay in qof iyo codkis ay ka horayso waxyaabo badan oo ka muhimsan, haba ugu horayso soo celinta kalsoonidi walaltinimo, sokeeyenimo e Somali dhex taalay. Ku dar in marka hore salka loo dhigo nidaam maamul oo is beddel dhab ah ku sameeya fahamki iyo camalki guracnaa ee aynu ku ballaysinay dawladnimada somalida. Isku soo duuboo, waxa meesha yaalay baahiyo badan, oo ay somalidu ahayd in ay iyadu, mar kale an ku ceshe iyadu ay yeelato kala abla-ablaynteeda iyo kala horeysinteeda.

Indho-qarsashadi hore waxa la mid ah ama ka si daran ta maanta taagan, ee lagu murmayo 4.5 iyo deegano. Dulmanaha aan qareenka lahayna waa QABIIL. Ma yaabteen??!!
Hanaanka maamul iyo qaabka ay maanta soomaalidu u abaabulan tahay waa qaab qabiil. Ma aha maanta dhalad, ee waxay soo taxnayd tan iyo waxa an ugu yeedhno xornimadi ninki caddaa e reer yurub aan ka qaadanay. Ma dhicin in la helo xukuumad ku guulaysata in ay dadka tusto qaab kale oo ay dadku wax isugu noqdaan, ku wadaagaan, caddaalad iyo sinaanshiyona ku helaan. Mar walba magaca dawladnimo wuxu salka ku hayey reer, kuraastana sidaas un ba lagu qabysanayey.
Inkasta oo magaca reerku ahaa shaadhka loogu xidhasho badan yahay, hadana dheefta dhab ahaan ka soo gaadhaysay waa xadidnayd. Reerku waxa uu ahaa, yahayna xaabada uu ninka bamaca qabaa ku dan gaadho, awrkisana ku kacsado. Burburka iyo baab’a waxa dhigayna ma aha reerkee wa HEBELADA aqoonta iyo caqliga la biday ee aynu ku hungownay, welina hadhsanayno hummaagooda beenta ah.
Reernimadu marnaba sideeda shar iyo khayr midna uma aha, ee waa hadba sida aad ka dhigato iyo qaabka aad u adegsato. Haddii ay saas tahay, laba fikradood ee 4.5 iyo gobolo wax ha lagu qaybsadaa waa qabiil aan wax ku qaybsano. Waxba yaanu magacu ina sirin. Ma jiro qabiil aan degaan lahayn, mana jiro degaan aan qabiil lahayn. Garabyada doodan karkarinayaana marka ay isu so dillo urursanayaan, reerkas un bay ka duulayaan, inaka se dhawaqa magacyadan ayey innagu dhabaan-dhabinayaan.
Aragtidayda xittaa haddi doorasho qof iyo codkis ah lo dareero, reerku waa halka codka loo doonanayo, waa barta lagu kala baxayo ee ki taagero ka hela kuwisa, qaar kalena ku darsadaa soo baxayo, ki kalena afka dhulka darayo. Qaacidada cod ee dalka maanta taalaa waa taas, ninki jecel, oo badan, iyo ki neceb, oo yarba. Sidaas darted waxay iila muqata wakhti lumis iyo geed-sare waab doodaha maanta socda ee magacyada dhawaqa iyo qoraalka ku kala duwan la isku hayo, nuxurka iyo dulucdana ka middaysan. Inta golayaal hoosaadka la iskugu sheego maxa kuwa guudna la isugu sheegi la’yahay. Saraaxada iyo is uur-xaadhashada ayaa dawadu ku jirtaa. Siyaasaduna BEEN iyo MAJARO-HABAABIN MA AHA.
Inta wakhtiga lagu ridayo LAMA-DHAAFAANKA( reernimo wax ku doonka), waxay ku haboonayd in dedaal la gasho sidii bal xiisada reernimada loo yarayn lahaa, sidi lo abuuri lahaa jawo bedeli kara ka maanta taagan ee reerku yahay meesha u qof walbaba dabada gesho, iskuna ilaaliyo naf iyo moodba.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in inta dalwaddnimadu tahay dannaysi, xoogsi, urursi, iyo eex, qabiilku uu ahaanayo dallada qof walba naftiisa kula eerto. Inta ay is beddalayso aragatida iyo falsafada somalidu dawladnimada ka haysato, ee ay beereen kuwi ay aqoonta iyo garaadka biddayeen, wax kasta oo la qabtaa waa JUG JUG OO MEESHAADA JOOG. Seeska dalwadnimo ee maanta la taagayaa, waxba kama duwana ki kuwi hore lagu dul-dhisay. Runta iyo xalaal-miiradkuba wa ku yar yihiin, mana muuqato doonitaan adag oo lagu hiigsanayo is beddel dhab ah. Sidaas tarteed waxa ka dhashaaba waa muran iyo bay-hoof kale, wallow sannado ka dib ha noqde.
Manta dantu waxay ku jirtaa u runta la abbaaro, wakhti iyo caqlina la gasho sidii loo heli lahaa wixi beddali lahaa ku dhaadashada reerka, sidii loo heli lahaa nidaam xalaal ah oo astaan iyo summadba ay u tahay caddaalad iyo sinaan bulsho. Taasina kuma imanayso geed-sare waa waab iyo yeedhis shesheeye, e somalida ayey tahay inay uur-dooxdo mushkiladeeda, raadisana xal aan runta ka indho-qarsananyn, boogaha dillaaga ahna aan guudka ka dhayeyn.

 

Jaamac Nuur Axmed