Rumaanka waxa uu la dagaalamaa xaydha caloosha ku samaysanta

Cilmi baadhis cusub oo dhawaan kooxaha culuunta caafimaadku sameeyeen ayaa daaha ka rogtay faa’iidada geed dhulkeena aad uga baxaa u leeyahay caloosha iyo jidhka gaar ahaan xaydha gasha ama ku dhalata. Cilmi baadhistan ayaa ku sheegtay in cunista miirista iyo cabista geedka Rumaanku ay nafta u leedahay faa’iido aad u badan kana yarayso xaydha caloosha iyo jidka ku beeranta. Cabista Rumaanka ayay faa’iido badan ku sheegeen kooxihii baadhitaankan sameeyay waxaanay ugu yeedheen “Super Fruit). Markii la samaynayay baadhistan ayaa dad si mutadawacnimo ah uga qayb qaadanayay muddo bil ah laga codsaday in maalin walba ay cabaan hal litir oo Rumaan shiidan ah, kaas oo markii sodonkii cisho u dhamaadeen la ogaaday in dhamaan xaydhii caloosha dusheeda ku samaysantay ee jidhku baaba’day oo uu ka takhalusay.

Kooxda baadhitaankan samaysay oo ka socday jaamacadda Eden-Para ee dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay wax tarka cabista rumaanka Miiran mid aad u saraysa oo wax la awood ahii aanu jirin. Waxaanay kula talinayaan dadka ka baqaya dhiig karka inay isticmaalaan, sidoo kale dadka dhiigoodu hoos u dhaco ee awood yaraanta dareemaa inay badsadaan isticmaalka Rumaan Shiidan oo ridqan. Cilmi baadhistan oo ay ka qayb qaateen 24-qof oo lab iyo dhedig isugu jira oo si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay ayaa mudo afar todobaad ka yar waxa jidhkooda ka go’ay 5-kun oo mille liter oo xaydh ah taas oo xitaa haddii ay jimicsi aad u badan sameeyaan aanay suura gal noqon karteen in xadi intaa lee’egi ka go’o.

Si kastaba ha ahaatee Rumaanku wuxuu ka mid yahay geedaha dalkeena ka baxa laguna beeri karo, waxaanu ka mid yahay dhirta meelaha oomanaha ah ama Saxare u ekaha ah ka baxda ee aan waraabin iyo ilaalin badan aan u baahnayn. Waxa kale oo uu geedka Rumaanku ku jiraa dhirta lagu beeran karo xitaa guryahay dhexdooda, haddaba maadaama oo uu geedkani leeyahay wax tar aad u badan oo caafimaad, deegaan iyo nololeed waxa aad u wanaagsan in aynu ku dedaalno sidii isticmaalkiisa iyo beerashadiisaba aynu u badin lahayn.