Dad Badan Oo Ku Naf Waayay Roobab Waaweyn Oo Ka Da’ay Dalka Kenya

Nairobo, (SLP)- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, halka wararku intaas ku darayaan inay dhaawacyo soo gaadheen siddeed qof, iyadoo la la’yahay tiro kale oo badan oo dad ah deegaanka Narok ee dalka Kenya, ka dib markii doraad salaasaddii ay roobab laxaad lihi ka da’een halkaas, kuwaasoo dabaylo watay, isla markaana sababay daadad waaweyn.Kenya

Sidoo kale daadadkaas waxay waxyeelo gaadhsiiyeen wadada wadnaha ah ee deegaanka Narok, iyadoo ay ku xanibmeen dadkii  tagayay galbeedka ee u socday dhinaca magaalada Nairobi.

“Roobabku waxay bilaabmeen ilaa 5.30 pm galabnimo ee salaasaddii, waxaanay ahaayeen roobabkii ugu weynaa ee intii aan noolaa da’ay.” Sidaas waxa tidhi mid ka mid ah dadka deegaankaas ganacsiga ku leh oo lagu magacaabo Gladys Terer.

“Gurigaygii wuu dumay, waxaana I qaaday daadad ilaa 100 mitir, ilaa aan geed qabsaday.” ayuu yidhi Mohammed Kimathi oo ka mid ah dadkii ka badbaaday dhibaatadaas.

Somalilandpost.net